Somaliland: Dal Aqoonsi raadinayey 30 Sanno oo aan lahayn Siyaasad Arrimo dibeddeed oo qoran

Abdifatah A. Ileeye, oo ah aqoonyahan iyo Cilmi baadhe, ayaa ka sameeyey daraasad cilmiyeed ka sameeyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland in ay leedahay waxyaabaha sahlaya in ay gaadho hadafka qaranka ee ah Aqoonsi caalami ah oo ay hesho iyo in ay iib geyso dalkan aan aqoonsiga haysan.

Waxyaabihii uga soo baxay daraasadan, waxa uu soo kooban lixdan qodob ee hoos ku qoran

"Daraasadan waxa aan ku sameeyay horta in Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland ay leedahay inta badan imkaaniyaadka (Mechanisms) looga baahan yahay Wasaarad Arrimo Dibadeed si ay dano qaran u ilaaliso ama u raadiso, danahaas oo ay arrinta aqoonsigu ku jirto. Daraasadu waxa ay soo saartay, oo wax aad loola yaabo ah, in Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland aanay soddon sanno yeelan dhamaan imkaaniyaadkii Wasaarad Arrimo Dibadeed ay ku shaqayn lahayd, aqoonsi ay raadisaa ha joogee! Hada eeg;

1-Soddon sanno Somaliland ma ay yeelan siyaasad arrimo dibadeed, oo qoran oo meel loo raaco leh;

2-Soddon sanno Wasaarada Arrimaha Dibadu weligeed ma ay yeelan xeerka ugu weyn ee lagu maamulo adeegyada arrimaha dibada (the law on foreign service). Wasaarada aan kan lahayn maxaa lagu sheegaa?

3-Soddon sanno Wasaarada Arrimaha Dibadu ma ay yeelan xeerar ay ku maamusho Wakiilada dalka dibadiisa jooga. Weligeed ma ay yeelan!

4-Soddon sanno Wasaarada Arrimaha Dibadu weligeed ma ay yeelan istijaah macnaysan oo ay ku samayso galaangal iyo xodxodasho;

5-Soddon sanno Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland weligeed ma ay yeelan xeer lagu maamulo qaab-dhismeedka Wasaarada. Nin waliba sidii uu doono ayuu ka dhigtaa;

6-Soddon sanno Somaliland ma laha wax Alle wax ay ku qiimayso shaqooyinka arrimaha dibada. Dhan Alle dhan loo socdo, khasaare mise faa'iido. Arrintani iyadu suurtagal ma aha maadaama aanu dalkuba soddon sanno lahayn siyaasad arrimo dibadeed oo qoran!

Dadka reer Somaliland waa inay isweydiiyaan waxa soddonkaa sanno la hayay. Sidee ayay ixtiraaf u raadin kartaa Wasaarad dhan oo imkaaniyaadkeedii oo dhami ay maqan yihiin soddon sanno? Arrintani waa inay dood cusub furtaa!"

W/Q: Saleban Saxansaxo

Saxafi ka tirsan MMTV

Category