Madaxweynaha Somaliland Oo U Jawaabay  Madaxweynaha Soomaaliya.

Burco(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadallo khuseeya qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo rabitaanka shacabka oo kasoo yeedhay madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay kulan uu  la qaatay madax-dhaqameedka reer Burco oo ah xaruntii lagaga dhawaaqay goonni isu-taagga Somaliland, ayaa caddeeyey in qaddiyadda Somaliland salka ku hayso go’aan shacab, hadal meel kale laga yidhina aanu waxba ka beddeli Karin, waxana uu yidhi, “Horto lasoo noqoshada Somaliland iyo qarannimadeeda oo ahaa xorriyaddii ay ka qaadatay 26-kii June iyo midnimadii ay la midowday Soomaaliya 1-dii July 1960-kii, labaduba waxay ahaayeen go’aan ay u madax-bannaan yihiin iyo talo ay soo gooyeen shacabka Somaliland oo hadba madaxdii joogtaa wakiil ka ahayd, cidina labadaas go’aan waxba kama baddali karto oo aan ahayn go’aanka Somaliland.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas kusii daray, “Sidaa daraadeed, qaranka Somaliland wuxuu go’aansaday inuu ka baxo midowgii uu khasaaray markii ay burburtay wixii aynu ku heshiinay, taana Xasan Sheekh iyo mid Xamar jooga waxba laga weydiin maayo.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh xasuusiyey itaal darradiisa iyo baylahda gudihiisa ka jirta, isaga oo uga digay inuu shacabka Somaliland iyo dawladnimadooda hanaqaadday soo gardarraysto, “Haddaad muruq siyaasadeed leedahay oo aad xor tahay maxay kuu ilaaliyaan nimanka Afrikaanka ahi, waxan la yaabbanahay inaad faanto oo aad tidhaahdo Somaliland muruqayga ku isticmaali maayo, Alshabaabna ay daarahaaga cashuur ka qaaddo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Category