Rugta Ganacsiga S/land Oo Soo Dhaweysey Digreetadii Madaxweynuhu Ku Laalay Cashuur Dhaafka

Hargeysa(RH)Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac ayaa soo dhaweeyey Digreetadii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku laalay cashuur dhaafkii loo samayn jiray Ganacsatada taasi oo uu ku tilmaamay inay ahayd cadaalad daro loo samayn jiray ganacsatada qaarkood.

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxa uu yidhi "siduu madaxweynuhu digreetadiisa ku xusay waxa jirta badeecad cashuur dhaaf la siiyo oo sife ganacsi leh oo muwaadinka toos looga iibinaayo, oo waliba qaarkamida dad ajaanib ah la siiyo"

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac ayaa sidoo kale carafka ku adkeeyey in 100% uu ku raacsan yahay Madaxweynaha laalistaas Cashuur dhaafka isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi"  waan ku raacsanay arintaas 100%  madaxweynaha waayo waa cadaalad-daro in nina badeecadiisa kusoo helo cashuur dhaaf nina laga cashuuro oo suuqa iskugu yimaadaan, waanu ku saxan yahay madaxweynuhu , indhawaydna albaabkaasu wuu furmayoo ninba si uu kusoo helaba uu badeecadiisa cashuur dhaaf dekeda kula soo maraayey ayaa jiray oo muwaadiin qaar ah iyo qaar ajaanib wada socdaan-ba oo maalgalin ayaanu samaynaynaa kusoo gabanaayey ayaa jiray oo badeecadu markay suuqa soo gashi caadi loogu iibinaayey"

 

Dhinaca kale  Gudoomiyaha Rugta Ganacsigu waxa uu xusay in iyagu aanay gudbin balse ay aad usoi dhawaynayaan Digreetadaas

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac ayaa sidoo kale xusay kaliya inuu yahay masuulka Ganacsatada Somaliland, isla markaasina Afkooda kaliya isagu ku hadli karo,  isagoo arintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi" Afhayeenka Rugta Ganacsigu waa Gudoomiyaha hadba ninka ah markaa wixi rasmiya ee ganacsatada Somaliland khuseeya anuun-baa ku hadli kara,taana waanu ka wada hadalnay iyaguna way ka garaabeen, waanan iskaga noqon-doonaa xukuumada in loo sameeyo wixi loo samayn karo , maadama ay  iyagu duruuf gaara leeyihiin

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac ayaa gabagabadii waxa uu fariin u diray Warshadley Somaliland waxaanu yidhi" kumana shaqayno dhaqanka Rugta Ganacsigana maaha in cashada iyo tabashadayada xukuumada warbaahinta u marino, saxna maaha. Hadii Alle yidhaahda waanu balan-sanahay , waanu eegaynaa duruufahooda gaar ahaaneed ee jira, wixii aan ogahay iyo wixii ay igu biiriyaanba waanu ula-tagidoonaa Madaxweynaha iyo Waasiiradaba.

Category