Howlaha ka waawayn magac baddalidda ee hor yaalla Mahad Salaad

Muqdisho (RH)-Mahad Salaad ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Amniga Qaranka ee Soomaaliya, halkaas oo intii muddo ah muran weyn uu ka jiray hoggaankeeda, islamarkaasna ay hareeyeen eedeymo kala duwan.

Maalmo kaddib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la wareegay xilka ayaa Mahad Salaad oo aad ugu dhow madaxweynaha loo magacaabay jagadan oo ka mid ah kuwa xasaasiga ah, horayna uu u soo qabtay Fahad Yaasiin oo ay isu dhawaayeen Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka amniga ayaa soo jeediyay magacaabista Mahad, waxaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Xukuumadda Xilgaarsiinta federaalka.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Mahad waxa uu si joogto ah u dhaliili jiray NISA iyo shaqooyinka ay qabato, isagoo weerar afka ahna la beegsan jiray hoggaankeeda.

Dad badan waxay dhagta u taagayaan tallaabada ugu horraysa ee uu qaadi doono, maadaama uu xilka la xafiiska la wareegay.

Waxaa la iswaydiin karaa arrimaha ugu waawayn ee hor yaalla sarkaalkan ugu sarreeya Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, iyada oo durba ay warbaahinta qabsatay hadal haynta in magaca laga badelo hay'adda.

Haddaba kuwani waa qaar ka mid ah waxyaabaha Xildhibaan Mahad Salaad uga baadan xalka.

Mukhtaar Roobow

Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab markii dambena isu baddalay siyaasiga, Mukhtaar Rooboow Cali ayaa wali u xiran dowladda Soomaaliya, waxaana amnigiisa gacanta ku haya hay'adda Nabadsugidda ee hadda uu hoggaankeeda la wareegay Mahad Salaad.

Dabayaaqadii bishii December, hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa sheegtay Mukhtaar Roobow Cali (Abu-mansuur) inuu nabad qabo amnigiisana ay gacanta ku hayaan.

Hadalkaas ayaa ka dambeeyay markii NISA laga dalbaday in ay muddo 48 saacadood ah uga soo war bixiyaan xaaladda Mukhtaar oo loo yaqaanno Abu-Mansuur.

Hadda waxaa meesha ka baxday dowladdii xabsiga u taxaabtay Mukhtaar Rooboow iyo hoggaankii hay'adda Nabad Sugidda ee gacanta ku hayay. Hase yeeshee lama oga in la sii dayn doono iyo in kale.

Waase mid ka mid ah go'aannada laga dhowrayo Mahad Salaad iyo madaxda dowladda federaalka ah ee ay isku siyaasadda yihiin.

Kiiska Ikraan Tahliil

Bartamihii sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii ayuu soo if baxay warka ku saabsan in la waayay Ikraan Tahliil oo ka mid ahayd saraakiisha hay'adda Nabad Sugidda, ilaa haddana meelna laguma sheegin, inkastoo la shaaciyay "in la dilay".

Mahad Salaad waxa uu ku jiray siyaasiyiintii sida wayn uga fal celiyay dilkii Ikraan, isagoo madaxda Nabad Sugidda ku eedeeyay "dilkeeda".

Waxa uu hormuudka ka ahaa u ololihii lagu raadinayay sidii ay cadaalad u heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil.

Markii bishii November uu soo baxay warka ku saabsan dilka Ikraan Tahliil ayaa waxaa uu Mahad Salaad shaki galiyay cidda ka dambeysa dilka isaga oo taliyihii xilligaasi ee Nisa Fahad Yaasiin ku eedeeyya dilkeeda.

"Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah," ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Ikraan Tahliil

Xildhibaan Mahad ayaa marar badan ku celceliyay waqtii ay doonto ha qaadatee in Ikraan iyo qoyskeeda ay caddaalad heli doonaan.

"Qof anaga naga mid ah inta uu nool yahay insha allah kiiska Ikraan Kama hari doono inta caddaalada la horkeenayo dambiilayashii shaarka dowladeed idinku dhibaateeyay" ayuu 24 March ee sanadkan ku soo qoray bogiisa Facebook.

Wali ma cadda tallaabada uu ka qaadi doono kiiskaas oo ay ilaa hadda arrimihiisa ka war sugayaan dad badan, balse waxaa la aaminsan yahay in uu ka mid yahay shaqooyinka sugaya.

23-kii bishii March, oo ay socotay doorashadii Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa magaalada Beledweyne lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed, oo ka mid ahayd xubnaha ugu firfircoonaa ee Golaha Shacabka.

Marxuumad Aaamino Maxamed ayaa waxaa ay dadka inta badan ku xusuustaan sidii ay ugu dooday Ikraan Tahliil Faarax oo ay nabad sugidda Soomaaliya sheegeen in ay Shabab dileen.

Kooxda Shabab ayaa warka ay dowladda soo saartay ka dib iska bari yeelay dilkeeda iyaga oo sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn kiiska Ikraan Tahliil.

Markii Ikraan la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigtay waxa ay marxuumadda ka mid ahayd dadkii hormuudka u ahaa raadinteeda.

Sidoo kale markii ay dowladda shaacisay in ay dhimatay Ikraan, waxay xildhibaan Aamino ka mid ahayd masuuliyiintii u kacay xaq u raadinteeda.

Waxaa ay mar waliba qaban jirtay shir jaraa'id iyada oo ay barbar-taagan tahay hooyada dhashay Ikraan Tahliil.

Marxuumad aaamino Maxamed ayaa ku celcelin jirtay baaqeeda ah in qoyska Ikraan Tahliil ay cadaalad helaan.

Al-shabaab

Sida ka muuqata magaca hay'adda hoggaankeeda loo dhiibay Mahad Salaad, waxaa howlaheeda ugu waaweyn ka mid ah xogta sirdoonka iyo amniga, xilli Soomaaliya ay weerarro ka gaystaan kooxda Al-Shabaab.

Marar hore ayuu Mahad Salaad qudhiisa ku eedeeyay NISA in ay xubnaheeda qaar yihiin Al-Shabaab, inkastoo aysan BBC-du xaqiijin karin sheegashadaas.

Balse isla hay'addaas oo uu hadda Mahad Salaad madax ka noqday ayaa shaqooyinka u yaalla ay ka mid tahay in isbadallo ku sameeyo.

Xiggasho: BBC

Category