Xilliga la qabanayo doorashada gudddoonka labada aqal oo la shaaciyay

Muqdisho (RH)-Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Dood dheer kadib, xildhibaannada ayaa ansixiyay habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo tan Madaxweynaha, waxaana kulanka maanta ee Xildhibaanada looga dhawaaqay xiliga la diiwaangelinayo musharixiinta u tartameysa xilka guddoonka  labada aqal iyo goorta la qabanayo doorashada guddoonka.

Kulanka Xildhibaanada baarlamaanka oo ahaa mid wadajir ah ayaa lagu shaaciyay inay isdiiwaangelin doonaan Musharaxiinta u tartameysa guddoonka labada aqal ee baarlamaanka 19-ka bishaan illaa 21-ka.

Waxaana Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka la qabanayaa 27-ka bishan April, halka doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ay dhici doonto 26-ka bishaan April,

Sidoo kale, 23-ka bishaan ee sabtiga ah iyo 24- bishaan oo Axadda ah waxaa dhaceysa hadal jeedinta musharaxiinta, iyadoo loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada guddoonka golaha Shacabka 27 bishaan ee April, hadii aysan wax is badalin.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xildhibaannada ay ka baxeen dhismaha xarunta kadib markii uu ku soo dhacay hoobiye geestay khasaaro kala duwan.

Xarunta Golaha Shacabka

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category