Adna Aadan oo madax u noqotay urur metala malaayiin qof

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaan ee Somaliland, Adna Aadan Ismaaciil, ayaa loo doortay madaxweynaha urur ay ku midoobeen deegaanno aqoonsi doon ah oo lagu magacaabo The Unrepresented Nations and Peoples Organization (UNPO).

Ururka oo caalami ah ayaa u doodda xuquuqda dadka aan metaallada ku haysan faraagayaasha adduunka sida Qaramada Midoobay iyo hay'adaha caalamiga ah ee metala dalalka madax bannaan.

Ururkan oo ay kamid yihiin, Somaliland, Taiwan, Catalonia iyo deegaanno kale ayaa bartiisa intenetka lagu sheegay inuu metalo dad ka badan 300 oo milyan oo qof oo ku dulman caalamka, isla markaana uu ilaaliyo danaha aayo ka tashiga dadkaas.

Xubnaha ururkan ayaa sanad iyo barkiiba mar kulma, waxaana ay ka hadlaan xaaladaha ku soo kordhay, wax u qabsoomay iyo hiigsigooda sanadaha soo socda.

Somaliland oo 1991 ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale ayaan weli helin aqoonsi caalami ah. Kulamo dhowr jeer dhacay oo Muqdisho iyo Hargeysa ay uga arrinsanayeen arrimaha u dhexeeya ayaan laga gaarin guul muuqata.

Waa tuma Adna Aadan?

Waa 84 jir xirfadeedu tahay umuliso, isla markaana leh cisbitaalka weyn ee dhalmada ee ku yaal Hargeysa. Cisbitaalka Adna oo la furay bishii March 2002 ayaa dowr muhiim ah ka qaatay daryeelka caafimaadka, gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka.

Sanadihii 2003 ilaa 2006 waxa ay ahayd wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaa loo dhiibo.

Waxa ay u dhaxday ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahaana madaxweynihii Somaliland, AHUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Adna ayaa si weyn ugu ololeysa ictiraaf raadinta Somaliland.

Sanadkii 2018 ayaa jaamacadda London South Bank oo ay horay wax uga baratay waxa ay ku sharaftay shahaadada doctorate.

 

xigasho BBC

Category