Ra’iisul wasaare Rooble Oo la kulmay xildhibaannada Labada Aqal ee Somaliland

Muqdisho (RH)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xaley magaalada Muqdisho waxa uu casho sharaf ugu sameeyay xildhibaannada dhawaan la doortay ee Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku matalaya gobollada Woqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matalaya Gobollada Waqooyi kula dardaarmay in waajibaadka culus ee la saaray u gutaan si ay ku jirto danta dalka iyo dadka.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxuu Ra’iisul Wasaare Rooble shahaadooyin guddoonsiiyay xubnaha Guddiyada Doorashooyinka SEIT Somaliland, Heer Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Saraakiisha Amniga, taasoo ay ku muteysteen howshii hagar la’aaneed ee ay ka qabteen hirgelinta doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee BFS ku matalaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dowlad gobolleedyada ay ku dhiman yihiin Xildhibaanada harsan in ay si deg deg ah u soo gudbaan, si dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada looga baaqsado.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Qaramada midoobay oo ka wadahadlay abaarahaRa’iisul wasaare Rooble iyo Qaramada midoobay oo ka wadahadlay abaarahaRa’iisul wasaare Rooble iyo Qaramada midoobay oo ka wadahadlay abaaraha

Dhinaca kale, ra'iisal wasaare Rooble ayaa maanta oo Khamiis ah xafiiskiisa kula kulmay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa .

Masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimaha abaaraha dalka ka jira, gurmadka la gaarsiinayo dadka ay dhibaatadu saameysay iyo isku duwidda dedaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Qaramada midoobay oo ka wadahadlay abaaraha

 

Category