Waa kuma Nabadoonka lagu dilay Beledweyne

Beledweyne (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xaley fiidkii magaalada Beledweyne ku dishay allaha u naxariisto nabadoon Cabdi Xuseen Colow oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Marxuumka oo la dilay xilli uu ka soo baxay salaadii maqribka ayaa lagu wadaa in goordhow lagu aaso magaalada Beledweyne.

Ma jirto cid loo soo qabtay dilka marxuumka, waxaana uu ka mid ahaa ganacsatada magaalada Beledweyne.

Nabadoon Colow ayaa ka mid ahaa odayashii dhaqanka ee ka qeybgalay heshiis shaley magaalada Beledweyne ay ku gaareen madaxweynaha HirShabeelle iyo mid ka mid ah beelaha degan magaaladaas.

Heshiiskaas oo ka koobnaa afar qodob ayaa la sheegay inuu aqbalay madaxweynaha HirShabeelle Cali Guud Laawe oo hadda ku sugan magaalada Beledweyne.

Heshiiskaas waxaa ka mid ahaa in caasimadda laga dhigo gobolka Hiiraan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu 

Category