Guurdoon boodh dhajistey

Nin iskaabulo ah ayaa boorar waaweyn oo xayeysiin ah kusoo qoray farriimo cajiib ah oo uu ku raadinayo haweeney xaas u noqota.

Maxamed Maalik, oo 29 jir ah, ayaa gabdhaha daneynaya haasaawaha u sheegaya inuu diyaar yahay, isagoo xayeysiimo ku sameystay magaalooyinka London iyo Birmingham ee waddanka UK.

Waxaa ku qoran: "Iga badbaadi arooska ay qoyska qorsheeyaan."

Waxa uu sheegay inuusan kasoo horjeedin dhaqankaas balse uu door bidayo inuu "marka hore isku dayo sidii uu ku heli lahaa qof dookhiisa ah".

Hase yeeshee, ilaa hadda dadaalka raadinta xaaska ah ee ninkan uu wado ma uusan miro dhalin.

Wiilkan oo shaqaale ka ah bangi ayaa sameystay website khaas u ah - oo uu ku magacaabay findmalikawife.com - kaasoo uu rajeynayo inuu nasiibkiisa ku helo.

Tan iyo markii uu boorarka xayeysiinta ah surtay maalintii Sabtida, Mr Malik waxa uu sheegay in uu helay boqollaal farriimood oo dad ay ugu sheegayaan inay daneynayaan.

"Ma aanan helin waqti aan ku wada aqriyo weli," ayuu yiri. "Waxaan u baahanahy inaan waqti gaar ah u sameeyo - Qaybtan weli ma aanan ka fikirin."

Maalmod kooban gudahoodba, Mr Malik wuxuu sheegay inuu helay boqollaal farriimood

Mr Malik ayaa sheegay inuu horay isugu dayay dhowr qaab oo uu kula kulmo dumarka ka hor inta uusan boorarka xayeysiinta ah sameysanin.

"Waxaan ahay Pakistani Desi," ayuu yiri, "sidaas darteed waxa ugu horreeya ee naloo sheego waa awoodda habaryaraha." Balse habkaas "ma uusan shaqeynin".

Waxaa jiray marar uu galay dhowr app oo kuwa shukaansiga lagu sameeyo ah iyo marar uu dumar la sameeyay wadasheekeysi haasaawe ah, balse waxa uu sheegay inuu waxyaabahaasoo dhan ku dareemay "xaalad aan habbooneyn".

Ugu dambeyntii, qof saaxiib la ah ayaa soo jeediyay fikradda ah inuu si toos ah isu xayeysiiyo.

Mr Malik ayaa arrintaas ku sharraxay: "Waxaan is iri 'maxaa diiday taas - muxuu yahay waxa ugu xun ee ka dhalan kara'?"

Boorarka xayeysiinta ah waxay sii taagnaan doonaan ilaa 14-ka bishan January, waxaana ku taageersan qoyskiisa. Waalidiintiisa ayaa qorshihiisa la dhacsan ilaa markii uu soo billaabay, inkastoo uu qirtay "in hooyadiis ay xoogaa ku qaadatay inuu ka dhaadhiciyo."

Mr Malik waxa uu sheegay in haweeneyda uu lamaanaha ka dhiganayo uu ku xiri doono shuruud ah inay Muslim tahay ayna noqoto qof awood u leh "inay u dul qaadato hadalladiisa kaftanka kulul ah" iyo sidoo kale inay la qabsato qoyskiisa.

 

xigasho BBC

Category