Boosaaso oo maalintii saddexaad laga qaxayo

Boosaaso (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay maanta deggan tahay, balse magaalada waxaa maalinkii saddexaad oo xiriir ah ka barakacaya shacabka magaalada.

Dad badan ayaa la arkayay oo magaaalda ka barakacaya, kuwaasoo alaabahooda ku raraya gawaari waaba kuwa awoodo, sidoo kale qiimaha gaadidka ayaa sare u kacay sida wararku sheegayaan.

Sidoo kale qiimaha shidaalka ayaa isna kacay oo laga cabsi qabo inuuba go' sabab la xiriira daabulka oo batey.

Goobaha ganacsiga iyo waxbarashada ayaa xiran, wadooyinkana waa kuwa haawanaya, sida weriyayaasha magaalada ku soo warramayaan.

Dhinaca kale, isbitaalada magaalada ayaa la keenay dad dhaawac qaba iyo tiro dhimasho ah, kuwaasoo u badan dad rayid ah oo rasaastu ay guryahooda ugu tegtay.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Boosaaso taasoo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa PSF ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cismaan Diyaano.

Waxaa muuqata in ay fashilantey labo jeer oo waan waan ay garwadeen ka ahaayeen ismada Puntland oo la rabay in dirirta lagu qaboojiyo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category