Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka saakay mar kale ka qarxay Boosaaso

Boosaaso (RH)-Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya boosaaso ayaa sheegaya in ay yaraatay rasaas teel teel ah oo saacadihii lasoo dhaafay laga maqlayay qaybo ka mid ah magaalada.

Waxaa lagu soo warramayaa in hadda uu socdo shir ay leeyihiin Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo loo igmaday inay xaaladda la tacaalaan, waxaana laga dhowrayaa inay warbaahinta la hadlaan.

Dadka deegaanka ayaa billaabay saaka inay ka barakacaan magaalada.

Ilaa hadda faahfaahin buuxda lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii saaka dib uga qarxay magaalada, inkastoo hadda ay xaaladda u muuqato mid deggan.

Dhinaca kale, Puntland oo war ka soo saartay dagaalkii ay ilaa shalay ka socday Boosaaso

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo saxaafadda kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in dawladda Puntland ay diyaar u tahay waanwaanta Isimada Puntland.

Waan waan ay wadeen ururrada bulshada rayidka iyo qaar ka mid ah Isimada Puntland ayaa horay u sheegeen inay u suurto gashay inay labada dhinac ku qanciyaan xabbad joojin.

Xiggasho: BBC

Category