Madaxweynaha JSL Oo Daah-furay Xog Ururinta Tiro-koobka Hantida Dawladda

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  Daah-furay Xog Ururinta iyo Tiro-koobka Hantida Maguurtada ah ee Dawladda oo ay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeyntu ka samayn doonto gobolada Somaliland oo dhan.

 

Xogtaas oo noqon doonta mid lagu keydiyo hantida dawladdu leedahay ee ma guurtada ah, waxaana munaasibadaasi oo lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland ka soo qayb-galay, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Md. Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimaha Madaxtooyada JSL, Md, Maxamed Cali bille, masuuliyiin kala duwan iyo hawl-wadeenada wasaaraddaasi.

Category