Xukuumadda Somaliland Oo iclaamisay Salaad Roob-doon ah

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sh. Cabdirisaaq Xuseen Albaani oo maanta xafiiskiisa magaalada hargeysa shir jaraa’id ku qabtay, ayaa iclaamiyey Salaad roob-doon ah

ddsa

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta Somaliland ayaa sheegay in guud ahaan dalka laga tukan doono Salaad roob-doon ah 19 Bisha December.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sh. Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa intaa ku daray in siddeeda subaxnimo loo dareeri doono tukashada Salaada roob-doonta ah, taasoo alleh lagaga baryayo raxmaad xili deegaano badan oo somaliland ka tirsan laga soo sheegayo abaaro ba"an

 

Category