Khadka tareenka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti oo la xiray

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in dhalinyaro careysan oo dibadbaxyo dhigayo ay xireen waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo dekedda Jabuuti.

Xiritaanka waddadan tareenka waxay dhibaato weyn ku tahay Itoobiya oo aanan laheyn deked xilli ay ku tiirsan tahay dekedda dalka deriska ah ee Jabuuti.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay dhagxaan lagu jaray waddada tareenka.

Inkasta oo ay adagtahay in la xaqiijiyo warkan xilli dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta uu ka dhacay deegaanka Garba Ciise.

Wararka ka imaanaya Garba Ciise waxay sheegayaan in maanta ay xaaladda degan tahay inkasta oo ay weli xiisadda taagan tahay.

 

xigasho BBC

 

Category