Sawirro: Muqdisho oo laga furay koobka Somali Youth League

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga furmay tartanka kubadda cagata ee iskuulada, waana sannadkii shannaad oo la qabto tartankan.

Daah-furka tartanka waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, guddoomiyaha cayaaraha gobalka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Cayaartii ugu horreysay tartanka waxa ay dhex martay kooxaha Banaadir Zoon iyo Al-Huddaa, waxay ay ku cayaareen garoonka Jaamacadaha ee ku yaal degmada Hodan.

Cayaarta ayaa waqtigii loogu talagalay waxa ay ku dhammaatay 2 iyo 1 oo ay ku badisay kooxda Al-Huddaa.

Kooxda Banaadir Zon oo ahayd kooxda difaacaneysa koobka ayaa laga badiyay cayaarta furitaanka.

Tartanka waxa uu u dhexeeya illaa 16 koox oo ka socda iskuulada ku yaalla gobalka Banaadir, waxaana tartanka la billaabay sannadkii 2016-kii iyadoo u jeedka ahaa in la helo cayaartoy matasha xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya.

Guddiga olombikada Soomaaliya ayaa billaabay in ay soo xulaan cayaartoy da' yer oo ka qeybgalaya kubadda cagta dalka Soomaaliya.

Furitaanka cayaaraha Somali Youth League Furitaanka cayaaraha Somali Youth League Furitaanka cayaaraha Somali Youth League

Cayaaraha kubadda cagta oo si weyn looga cayaaro Soomaaliya, haddana xulka qaranka Soomaali weli cayaaraha ay dibadda uga qeybgalaan kama keenaan guulo, waana tan keenta cayaaraha kubadda caga si horumar looga sameeyo laga soo billaabo iskuulada si halkaas looga helo cayaartoy wax tar u leh xulka qaranka Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category