Xukuumada Somaliland Oo Sii Daysay Wasiirro Ka Tirsanaa Maamulkii Hore Ee DDSI

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay sii daysay laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar ‘Cabdi Ilay’ oo maalmihii u danbeyey ku xidhnaa magaalada Hargeysa – sida uu sheegay wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha Maxamed Axmed Kaahin.

Labadan xubnood oo kala ahaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer Ibraahim Sacab iyo wasiirkii caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen xubnaha ugu dhawdhaw Madaxweynihii xilka iska casilay ee Cabdi Maxamuud Cumar kuwaasi oo loo aanaynayo in ay qayb weyn ka ahaayeen dhibaatooyin badan oo shacabka deegaankaasi ka tirsanayeen maamulkaasi.

Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in wasiirradani ay Somaliland ku soo galeen qaab dhuumasho ah ama iyaga oon wax sharci ah sidan ay soo galeen dalka. Kaahin wax faahfaahin oo dheeriya intaasi kumuu darin, bal se waxa u xaqiijiyey uun in la sii dayay wasiirradaasi.

Category