Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo Fasaxay qaadashada $50

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Khamiis ah lagu soo gabagabeeyay kulan u socday labo cisho guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo urur ay ku mideysan yihiin bangiyada madaxa bannaan iyo xawalaadaha dalka ka shaqeeya.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay caqabado maalmahan dambe ka jirtay magaalada Muqdisho taasoo ah in shirkadaha iyo bangiyada dalka ay diideen in dadweynaha ay ka qabtaan lacagta 50ka dollar.

Markii uu soo dhammaaday, waxaa shir jaraa'id qabtay guddoomiyaha bandhiga dhexe Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya shirkadii ama bangigii diiday in uu qaato lacagta 50 dollar tallaabo laga qaadi doono.

"Laga billaabo maanta oo Khamiis ah (24 June 2021) bangiga dhexe ee #Somalia waxa uu amray in la socodsiiyo qaadashada iyo bixinta $50, shirkadii ama bangigii diida waxa uu bangiga dhexe ee dalka ka qaadi doonaa tallaabo"sidaas waxaa yiri guddoomiyaha bangiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Lacagta 50 dollar ee Maraykanka

Guddoomiyaha ururka bangiyada Soomaaliya Yaasin Cibaar iyo xoghayaha ururka xawaaladaha Soomaaliya Cabdillaahi Maxamed ayaa iyana shirka jaraa'id ka sheegay in go'aankan uu yahay mid rasmi ah oo bangiyada iyo shirgadaha gaarka loo lee yahay ay qasab tahay in ay qaataan lacagta 50 dollar.

Sidoo kale, masuul kale oo ka socday shirkadaha isgaarsiinta ee Hormuud iyo Somtel ayaa sheegay in ay iyaga billaabi doonaan in la qaato lacagtaas 50 dollarka, maadama ay culeys weyn ku keeneen dadka Soomaaliyeed ee danta yar.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa magaalada Muqdisho ka taagnaa culeys ku aadan in lacagta 50ka dollar la diido taasoo saameyn xooggan ku yeelatay shacabka, laakin waxaa muuqata in arrintan maanta xal laga gaaray.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category