Sawirro: In ka badan 42 kun oo arday ayaa maanta u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sarre

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka dalka waxaa maanta ka billowday imtixaanka shahadiga ee dugsiga sare, waxaana u fadhiistay in ka badan 42,000 oo arday sida wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay shaacisay.

Raysal wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guud iyo wasiirka waxbarashada Eng Cabdillaahi Carab ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare.

"Waxaan maanta daahfurnay imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee dalka sanad dugsiyeedka 20-21  oo ay kaqeyb galayaan 36,150 arday ,guul baan u rajeynayaa waxaan u mahad celinyaa waalidiinta ardayda maamulayaashooda , macalimintoda iyo howl wadeenada wasaaradaha FGS iyo FMS" ayuu yiri wasiirka oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka.

Waa markii todobaad oo dowladda federaalka ay qaaddo imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sarre ee dalka, waxanaa sannadba sannadka xigga soo kordhaya goobaha imtixaanka uu ka dhacayo ee dalka.\

Goobaha imtixaanka uu ka dhacayo ayaa waxaa la geeyay ciidamo si gaar ah u suga ammaanka, iyo kormeerayaal la socon doona ardayda iyo goobaha imtixaanka ay ka dhacayaan.

Raysal wasaare ku xigeenka oo daahfuray imtixaanka dugsiga sareRaysal wasaare ku xigeenka oo daahfuray imtixaanka dugsiga sareArdayda imtixaanka u fadhiyaArdayda imtixaanka u fadhiya

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category