Maxaa ka cusub shirka ka furmaya magaalada Muqdisho?

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu furmo shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Magaalada waxaa soo gaaray qaar ka mid ah madaxda maamul goballeedyada, waxaana ugu dambeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo goordhow isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Shirkan ayaa waxa uu u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada, waxaana shirka qaban qaabinayay xukuumadda uu hoggaamiyo raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka ayaa la filayay in maanta uu furmo laakin weli illaa hadda ma jirto wax si rasmi ah illaa hadda u furmay.

Guddiyo farsamo oo uu magacabay raysal wasaare Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo ku aadan siddii loo qaban lahaa.

Shirka ayaa ka furmaya xarrunta Afisyooni ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Madaxda shirka ka qeybgalaya ee ku sugan Muqdisho waxaa ka mid ah madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed,Jubbaland iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir oo ku sugnaa Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category