Weerar ka dhacay Aqalka Koongareeska Maraykanka oo lagu dhintay

Weerar ka dhacay agagaarka Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ee US Capital ayaa uu ku dhintay hal askari, halka uu midkalena ku dhaawacmay.

Gaadhi ayaa ku dhacay xayndaabka amniga ka hor inta uusan darawalkii toorrey la soo aadin, dhankii ay ka xigeen askarta ilaalada ahi , sida ay boolisku wariyeen.

Booliskii goobta joogay ayaa waxay ku fureen rasaas, halkaas oo ay ku toogteen ninkii la tuhunsanaa.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in weerarkan uu dhacayo saddex bilood uun kaddib rabshadihii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Capitol bishii Janaayo, uusan ahaynna mid la xidhiidha argagaxiso.

Ku simaha Taliyaha Booliska ee Capitol, Yogananda Pittman ayaa yiri "Niyad ahaan, aniga oo tiiraanyaysan ayaan ku dhawaaqayaa in mid kamid ah saraakiisheena uu u dhintay dhaawacii soo gaadhay".

Warbixin dambe, waxay magaca sarkaalkaas dhintay ku tilmaantay William "Billy" Evans, oo xubin ka ahaa booliska Capitol muddo 18 sano ah kana mid ahaa qaybta gargaarka degdegga ah."Fadlan u soo ducee qoyska sarkaalka," ayay tidhi.

Soo saaraha CNN Kristin Wilson ayaa ku tilmaamtay "qofka ugu naxariista badan".

askariga dhintay ayaa lagu tilmaamay shakhsi muddo badan ka shaqaynayey goobtaas.

Laba ilo sharci fulineed ah oo ku lug lahaa baadhitaanka kiiskan ayaa u sheegay warbaahinta ay BBC-da wada shaqeeyaan ee CBS News in tuhmanaha weerarka uu ahaa Noah Green oo 25 jir ah kana soo jeeda gobolka Indiana.

Waxay sheegeen in aan wax macluumaad ah oo isaga ku saabsan laga helin xogta booliska.

Qoraal uu bartamihii bishii Maarso soo dhigay bog Facebook ah oo hadda la tirtiray, Green wuxuu ku qoray inuu dhowaan ka tagay shaqadiisa. Wuxuu sheegay "in uu la dhibtoonayo dawooyin uu isticmaalay isaga aan oo aan fahamsanayn" wuxuuna si faahfaahsan u sheegay xiisaha uu u qabo urur diimeedka lagu magacaabo wadaniga madow, Nation of Islam.

Afhayeen u hadlay Facebook ayaa BBC-da u xaqiijiyay in boggan uu leeyahay Green.

"Dhacdadan naxdinta leh ka dib, niyaddeennu waxay la jirtaa booliska Capitol iyo kuwa ay jecel yihiin," ayaa lagu yidhi warbixin ay shirkaddu soo saartay.

Waxaan u qeexanay dhacdadan mid hoos imaaneysa siyaasadeena shaqsiyaadka halista ah iyo ururada, taas oo macnaheedu yahay waxaan ka saarnay akoonka tuhmanahaas Facebook iyo Instagram, waxaana ka saaraynaa wixii agab ah ee amaanaya, taageeraya, ama matalaya weerarka ama tuhmanahaas. Waxaan xiriir la yeelanaynaa sharci fulinta inta ay baadhayaan kiiskan. "

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyey Capitol, halkaas oo ay fadhiyaan Koongaraska Mareykanka.

Koongarasku hadda wuxuu ku jiraa fasax, taasoo la micno ah in inta badan siyaasiyiinta aysan ku sugnayn xarunta Capitol waqtiga weerarkan.

Sidee wax u dhaceen?

Waxyar kadib 13:00 waqtiga maxaliga ah (18:00 GMT) nidaamka digniinta booliiska ee Capitol ayaa Email u diray xildhibaannada iyo shaqaalahooda iyagoo ku amraya inay ka fogaadaan daaqadaha iyo albaabada dibada cabsi jirta awgeed. Qofkasta oo bannaanka ka joogana waxaa la faray inuu raadsado gabbaad.

Waqtigaas, nin watay gaadhi buluug ah ayaa gaariga ku soo maqiiqay labo sarkaal oo taagnaa Waqooyiga Barricade, sida ay booliisku sheegeen.

Wuu ka baxay gaariga wuxuuna u cararay dhanka saraakiisha - ugu yaraan midkood toogtay tuhmanaha. Saraakiishii la waxyeelleeyey kadib waxaa loo qaaday isbitaaka.

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Muuqaalo goobta laga qaaday ayaa muujinayay diyaarad Helicopter ah oo hawada sare ku duuleysa iyo wax umuuqday labo qof oo sariirta saaran oo lagu daad gureynayo gawadhrida gurmadka deg degga ah

Booliska ayaa sheegay in tuhmanaha uu u dhintay dhaawicii soo gaaray 13:30 waqtiga maxaliga ah. Chief Contee ayaa u sheegay suxufiyiinta in qofka la tuhunsan yahay mid keli ku ahaa hawshan.

Xafiiska FBI-da ee Washington Field ayaa sheegay inuu taageero siinayo booliska Capitol.

 

xigasho BBC

Category