Maxaa lagu xusuustaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan?

Muqdisho (RH)-Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho xalay ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ahaa culimada Soomaalida ee sida weyn looga yaqiinay caalamka oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya.

Sheekh oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa gudoomiye kuxigeen iyo afhayeen u ahaa hay'adda Culimadda Soomaaliyeed, waxaa uuna sidoo kale kamid ahaa dadkii asaasay hay'addaas.

Sheikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ku geeriyoodey cisbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu maalmo ku xanuunsanaa, loogana daweynayay Fayraska Korona.

"Waxaan xaqiijinayaa in uu geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud, oo uu u geeriyoodey xanuunka Corona virus," ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad, oo ah guddoomiyaha hay'adda culimada Soomaaliyeed oo la hadlay BBC-da.

Shakhsiyaddii Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

Sheekh Nuur oo ahaa daaci diinta Islaamka faafiya, dacwadiisana laga baahin jiray warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan warbaahinta dowladda ayaa Sheekh Bashiir oo ay aad isugu dhawaayeen waxaa uu sheegay in uu ka soo jeedo dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Waxaa uu dunida uga tegay xaasas iyo dhowr carruur ah.

"Yaraantiisa ayuu ka soo tegay dowlad deegaanka oo wuxuu yimid Xamar, wuxuuna diinta Islaamka ku bartay magaalada Muqdisho," ayuu sii raaciyay Sheekh Bashir.

Waxaa kale oo uu Sheekh Bashir sheegay in Sheekh Nuur uu araga naafo ka ahaa balse qalbigiisa uu Alle u nuuriyay. Wuxuu intaa raaciyay in isagoon arag la' uu bartay diinta Islaamka.

"Wuxuu in muddo ah ku jiray halgan diimeed oo ummadda waxtarkeeda ayuu ku mashquulsanaa, wuxuuna ahaa nin aan gabanin oo dad la dhaqan wanaagsan, gacan furan oo kaftan wanaagsan," ayuu yiri Sheekh Bashir.

Todobaatameeyadii ayuu Sheekh Nuur Baaruud kamid noqday rag culimo ahaa oo ka hor yimid dowladdii kacaanka, waxaana uu kamid ahaa wadaado ay dowladdii xilligaa jirtay xabsiga u taxaabtay.

Sheekh ayaa sidoo kale la sheegay inuu dowr muhiim ah ku lahaa dagaalkii ciidamada Itoobiya iyo xooggagii iska caabinta ku dhexmaray Muqdisho kadib duulaankii Midowgii Maxaakiimta looga saaray caasimadda sanadkii 2006.
 

La dagaallanka Al-Shabaab

Marxuumka ayaa si weyn u dhaliili jiray Al-Shabaab, oo uu ku tilmaami jiray "cadow" Islaamka ku dhexjira.

Wiil uu dhalay oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda ayay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Muqdisho bishii September ee 2012.

Geerida Sheekh Nuur Baaruud ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxweynaha dowladda federaalka, ra'iisul wasaaraha, madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo mas'uuliyiin kale.

Sheekh Baaruud ayaa dhowr jeer ka badbaaday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen goobo uu ku sugnaa, waxaana sidoo kale marar badan uu ka badbaaday qorshe ay dagaalyahannada ururkaas ku doonayeen inay ku khaarajiyaan.

Bishii November 2015, waxa uu ka badbaaday weerar ay Al-Shabaab ku qaaday hotel Saxafi, halkaas oo uu degannaa.

Xiggasho: BBC

Category