Meydka Dr Cali Khaliif Galayr oo Muqdisho lagu aasay

Muqdisho (RH)-Allaha u naxariisto waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho Dr Cali Khaliif Galeyr oo Khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Meydka marxuumka ayaa waxaa keentay Muqdisho diyaarad ka timid magaalada Jigjiga, waxaana aaskiisa ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe, duqa Muqdisho iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo qaar ka mid ah ehelka marxuumka.

Marxuumka ayaa salaadii janaasada waxaa lagula tukaday hoolweyn oo ku yaalla garoonkii ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, boqolaal qof oo u badan madax ayaa joogay goobta.

Wadooyin badan oo ku yaalla Muqdisho ayaa loo xiray aaska marxuumka dartiis oo ay ka qeybgalayeen madaxda dowladda.

Meydka raysal wasaarihi horre ee Soomaalia Cali Khaliif Galeyr

Aaska marxuumka waxaa masuuliyiinta ka qeybgalay ka mid ah madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash, wafdi ka socday dowlad deeganka Soomaalida iyo odayaal dhaqan oo ka yimid magaalada Jigjiga oo marxuumka uu ku dhintay.

Marxuum Cali Khaliif Galeyr Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa lagu xusuusan doonaa dadaalladii uu ku bixiyey nabadeynta, dib u dhiska dalka, horumarinta iyo samata-bixinta shacabka Soomaaliyeed.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category