Shirkii madaxda dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo dib u dhacay

Muqdisho (RH)-Sida qorshaha uu ahaa maanta oo Khamiis ah, waxaa la filayay in uu magaalada Muqdisho ka furmo shir ay lee yihiin madaxda dowladda, kuwa maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir, kaasoo looga arrinsan lahaa doorashada dabayqaada sannadkan iyo billowga sannadka na soo aadan ka dhaceysa Soomaaliya.

Lama sheegin sababta uu shirka dib ugu dhacay, balse waxaa ilo ka tirsan madaxtooyada ay xaqiijyeen in shirka uu dhici doono maalinta Sabtida oo bisha September ay tahay 12.

Magaalada Muqdisho, waxaa hadda ku sugan shanta maamul goballeed kuwaasoo ku kala aragti duwan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Dhinacyadan ayaa shirar kala duwan ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay shir uu xaley madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne Farmaajo saddexda madaxweyne Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug kuwaasoo shaley magaalada Muqdisho soo gaaray, waxaana muddo todobaad ka badan Muqdisho u sii joogay madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

 

Category