Magaalada Diri-dhaba Oo ay ka Bilaabmeen Rabshado

Diri-dhaba(RH)Wararka Naga soo gaadhaya magaalada Diri-dhabe ee Dalka Ethiopia ayaa sheegaya inay maanta rabshado ka Bilowdeen Xaafado ka mida Magaalada Diri-dhabe

Rabshadahan ayaa ah kuwo u dhaxeeya dhallinyaro Soomaali ah iyo qaar ka soo jeeda qowmiyada Oromada ,waxaana la sheegayaa  inay Rabshaduhu  ku fideen meelo kale  oo ka mida Gudaha Diri-dhabe sida xaafad la yiraahdo Xaafad Ciise.

Rabshadahan ayaa sababay in la xidho Goobaha Gacnasi ee ku yaala suuqa Ashawaa.isla markaasina gabi ahaanba istaagaan Gaadiidka caadiga ah ee magaalada iyo ka dadweynuhuba

 

Dhallinyarada rabshadaha wada ayaa ku hubaysan budhadh, baangado, faashash,Majooyin, iyo middiyo

Lamana Oga ilaa hada Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Rabshadahan.

Category