Qofkii 25aad Oo Gudaha Somaliland U Geeriyooday Xanuunka Covid-19

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii 25aad ayaa xalay Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer Ugu Geeriyooday Xanuunka Covid-19,Qofkan Geeriyooday ayaa ahaa nin da'diisu ahayd 52 jir.

 

Geesta kale Baadhitaanadii ay Wasaarada Caafimaadka Somaliland Samaysay 24kii saacadood ee u danbeeyey laguna Baadhay 83 qof ayaa waxaa xanuunka Coronavirus laga Helay 19 qof kuwaasi oo dhamaantood ah Somalilander. Bukaanadan ayaa kala ah  12 qof  oo rag ah , iyo 7 qof oo  dumar ah

 

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa

(10jir ilaa 19jir = 1 qof)

(20jir ilaa 29jir = 9 qof)

(30jir ilaa 39jir = 3 qof)

(40jir ilaa 49jir = 3 qof)

(50jir ilaa 59jir = 1 qof)

(60jir ilaa 69jir = 1 qof)

(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 18 qof iyo Gabiley oo ah 1 qof,Waxaa xanuunka ka bogsaday 9 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sadex iyo Todobatan (73)

 

Category