Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Gaadhey Goboladda Gebiley Iyo Awdal

Hargeysa(RH)Wafti Uu Hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Ay Wehelinayaan Saraakiil Ka Socday hay’adda Hafayooko ayaa gaadhey degaano hoos yimaada goboladda Gebiley iyo Awdal.

 

Waftigan ayaa ugu horeyn booqasho ku tegay degaanka Galoolay oo ah xarunta bangiga Siidhka ee Hay’adda Hafayooko  oo ay ku kaydsan yihiin siidhadh aad u tiro badan  oo kala duwani , iyaga oo si wada jir ah u qaybiyey wasiirka iyo Masuuliyiinta Hay’adda Hafayooko siidh kala duwan oo ay ugu talo galeen dadka degaankaas ee beeralayda ah iyo saacaddo dheeraad ah oo qodaal ah oo ay ka bixinayso Hay’adda Hafayooko.

Waxa ay sidoo kale wasiirka iyo waftigiisu gaadheen degaanadda Garacad iyo Geed Duqsi  oo ay mashaariic kala duwan ka fulisay hay’adda Hafayooko, iyada oo ay degaanadaasi kusoo dhoweeyeen Masuuliyiinta iyo dadka degaanadaasi ku nooli.

Waxa goobahaas ka hadlay dadweynaha degaanadaasi iyo Masuuliyiinta degaanadas oo ku amaanay hay’adda Hafayooko mashaariic kala duwan oo ay degaanadaas ka fulisay.

Waxa iyaguna goobahaas ka hadlay Masuuliyiinta hay’adda Hafayooko oo balan qaaday in ay joogtayn doonaan mashaariicda kala duwan ee ay degaanadaasi ka fuliyaan oo ay sii kordhin doonaan.

Ugu dambayna wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md Axmed Muumin Seed  ayaa isna ka waramay hawlaha ay waddo wasaaradda Beeruhu, waxaanu mahadnaq balaadhan u jeediyey Hay’adda Hafayooko oo ka taageeraysa y mashaariicdan kala duwan ee degaanadan laga fuliyey .

 

Category