Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Fariin   U  Dirtey Bulshada

Hargeysa(RH)Masuuliyiinta Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo maanta Shir Jaraa’id  ku qabtey xarunta wasaaraddasi isla markaan ay ka qayb ahaayeen guddiga la socodka xaalada xanuunka COVID 19  ayaa kaga waramaya dhaqdhaqaayada Corona Virus heerka uu dunida ka marayo iyo siday Somaliland ula socoto xanuunkaas.

Madaxa waaxda xidhiidhka dadwaynaha ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxa qaybta gargaarka deg dega ah iyo xubno dhakhaatiir ah ayaa ka waramay sababaha keenay in cudurkani faafo iyo siyaabaha loola tacaalayo.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda caafimaadka guud ayaa ka waramay noocyada wacyigalineed ee cudurkan ay ugu talo galeen si bulshada Somaliland ay ugaga hor tagto.

Madaxa Fayo dhawrka wasaaradda horumarinta caafimaadka ayaa bulshada Somalland ku booriyey ilaalinta nadaafadda guud ee bulshada dhexdeeda.

Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr Maxamuud Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadku heegan buuxa ku jirta xilligan si looga gaashaanto faafintaanka cudurkan oo xawaare sare ku socda.

Intii shirkaasi socday waxa warbaahinta lala wadaagay farriimo ku saabsan tilmaamaha cudurkan iyo sida looga hortagi karo.

Dhanka Kalena Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Sool ayaa Xafiiskiisa Magaaladda Laascaanood Kulan kula qaatay guddida ka hortaga cudurka Coronavirus waxaana la isku baraarujiyey sidii bulshada loogu tabin lahaa fariimo wax ku ool ah oo ka hor tag ah.

 

Category