153 Arday Oo Maanta ka Qalin-jabiyey Jaamacada Addis Ababa Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Xaflada qalin jabinta Dufcadii 9aad ee Jaamacada Addis Ababa Medical University ee Magaalada Hargeysa oo ay ka qalan jabiyeen 153 arday.

 

Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba Hambalyo u diray dhammaan ardayda ka qalin jabisay Kuliyadaha kala duwan, sidoo kalena waxa uu Hambalyo balaadhan u diray waalidiinta dhalay ardaydaasi, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu u sheegay ardayda in Cilmigu yahay shay qaaliya oo dadka anfacaya.

 

Waxaana uu ardayda kula dardaarmay inay ilaaliyaan dhaarta iyo anshaxa Caafimaadka ay barteen, islamarkaana ay noqdaan kuwo dadkooda iyo dalkooda wax kusoo kordhiya oo ka faaideeya aqoontooda caafimaad ee mudada baranayeen.

 

Category