Sharci-yaqaanka Golaha Wakiillada Oo Naaqishaya Mooshin Lagu Taageerayo Heshiiskii Xisbiyada Somaliland

Hargeysa(RH)Shir-guddoonka golaha wakiillada  JSL  ayaa la taliyaha sharciga ee golahaasi u gudbiyey  mooshin golaha la horkeenay oo ku saabsan heshiiskii saddex xisbi qaran ay ka gaadheen khilaafkii Arrimaha Doorashooyinka oo jidaynayey in Golaha Wakiilladu kordhiyo tirada Komishanka Doorashooyinka.

Shirgudoonka golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay inuu soo gaadhay mooshinkaasi ku saabsan heshiiskaas xisbiyada qaranku ay ka gaadheen khilaafkii ku xeernaa qabsoomida doorashooyinka, kaas oo ay ku saxeexan yihiin 21 xildhibaan.

Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada oo gudoominayey fadhigaas ayaa xildhibaannada loo akhriyey dulucda Mooshinka.

Heshiiskii ay dhawaan gaadheen xisbiyada qaranka ee ku saabsanaa qabsoomida doorashooyinka ayaa wax ka mid ahaa in  8-da bishan ka hor Golaha Wakiillada la horgeeyo mooshin ku saabsan heshiiska xisbiyada qaranka.

Ugu dambayn shirgudoonka golaha wakiilada ayaa sheegay sida xeer hoosadka golahaasi dhigayo mooshinkaas in loo gudbin doono la taliyaha sharciga ee golaha.

 

Category