Magaalada Hargeysa Oo Lagu Soo Bandhigay Cilmi Baadhis Laga Sameeyay Shilalka Gaadiidka Ee Ka Dhaca Somaliland

Hargeysa(RH)Machadka IBBLS ayaa xarunta wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland ee Magaalada Hargeysa ku soo bandhigay Cilmi baadhis ay ka sameeyeen shilalka gaadiidka ee ka dhacay Somaliland.

 

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada, Shaqaalaha wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Machadka IBBLS oo cilmi baadhistan samaysay oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Waxa aanu doonaynaa inaanu halkan ku soo bandhigno barnaamijka ka hortaga shilalka gaadiidka oo uu Machadka IBBLS cilmi baadhis badan ku samaysay oo daaran sidii looga hortagi lahaa waxyeelada bulshadeena maalinba maalinta ka dambaysa ku sii fidaysa, ujeedadayaduna waxa weeyaan inaanu wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka aanu si toos ah ugala shaqayno barnaamijkan, iyada oo loo marayo aqoon iyo cilmi baadhis"

 

Agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay oo aan aad iyo aad ula dhacay barnaamijkan aad wadaan ee ku sabsan shilalka gaadiidka iyo dhibaatooyinka ay gaystaan sidii loo yarayn lahaa si wanaagsana waad u qabateen waan idinku amaanayaa”.

 

Agaasimaha gaadiidka iyo farsamada wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "IBBLS waxaanu uga mahadnaqaynaa inay cilmibaadhistan samaysay waxaananu dhiirigalinaynaa cid kasta oo tacab galinaysa sidii looga hortagi lahaa shilalka gaadiidka ee bulshadeena khasaaraha u gaysta”.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay wasaarad ahaan inaad halkan nagu soo booqataan oo aad noo soo bandhigtaan cilmibaadhistii aad samaynayseen mudada sanadka ka badan ee aad ka samayseen shilalka iyo ka hortagooda oo ah dhibaato bulshada Somaliland taabatay oo qof kastaa uu dareemay, dhibaatadaasi oo dawladda wasaaradda u qaabilsan ka hortageeda ay wasaaradda gaadiidka tahay, balse kaligeed ma xalin karto, waxaanay u baahan tahay shacbigu inuu taageero oo cid wal oo inaga gacan siin kartaa ay inaga gacan qabtaan oo Somaliland shilalka ka dhacaa aad iyo aad ayey u badan yihiin, wasaaradduna waa ay dedaalaysaa waxaanay soo dhaweynaysaa cid wal oo gacan ku siinaysa”

 

 

Category