Magaalada Hargeysa Oo lagu Soo Bandhigey Buugg Laga Qoray Madaxweynihii Hore Ee JSL Axmed Silaanyo

Hargeysa(RH)Waxaa Habeenkii xalay ahaa magaalada hargeysa lagu soo Bandhigay Buug laga qoray SooyaalkiiTaariikheed ee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasi oo uu qoray Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo kamida Golaha Wakiilada ee Somaliland.

 

Madashan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Badiba Haldoorka iyo Waxgaradka Somaliland, Masuuliyiintii Xilalka kasoo qabtay Xukuumadii Madaxweyne siilaanyo iyo Masuuliyiinta Xukuumada haddaka tirsan oo ugu horeeyey madaxweyne ku xigeenku, sidoo kalena waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, qaar kamida Mujaahidiintii SNM, Dhalinyaro iyo Haween aad u tiro badan.

Guud ahaanba Haldoorkii iyo Madaxdii madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Taariikhda faca-weyn ee uu leeyahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana midkastaaba ka sheekeeyey Dhacdooyin iyo Maraaxil kala duwan kuwaasi oo la xidhiidha waayihii Halganka SNM, wakhtiyadii Mucaaridnimada iyo intii uu Xukunka Somaliland hayeyba.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu ugu danbayntii munaasibadaasi oo xidhay ayaa dhankiisa soo bandhigay aqoonta uu u leeyahay Madaxweyne Siilaanyo, xiligii ay isbarteen iyo mudadii ay soo wada shaqeeyeen waayihii iyo duruufihii ay soo wada mareen, waxaana uu Xusay Madaxweyne ku xigeenku in Axmed Maxamed Siilaanyo ahaa Hogaamiye wanaagsan oo hal adayg leh taariikh wanaagsana laga dhaxlay, dhanka kale wuxuu sheegay inay meelo badan isaga eegyihiin sida Hooyooyinkood oo isku magac ah iyo taariikho kala duwan oo kale.

 

Category