Xukuumada Somaliland Oo la Wareegtey Gaadhigii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Hargeysa(RH)Gaadhigii Gaarka ahaa ee Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayay ciidamada Amaanka Somaliland la wareegeen kaasi oo aan illaa imika xaqiiqo ahaan loo ogayn waxa ugu weyn loola wareegay.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola dhacdadan ayaa waxa ay tibaaxayaan in Gaadhiga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo siday istaafkiisa gaarka ah (Staff) ay tageen xadka Lawya-caddo ee u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti halkaasi oo gaadhiga ay ka soo qadeen Direy gaara oo loo keenay ilaalada Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI .

Wararkani waxa ya tibaaxayaan in ciidamadu ku doodayaan in gaadhiga ay ku dhex Arkeen Dirays ciidan halka ilaalada Guddoomiyaha ee gaadhiga la socday ay sheegeen in ay ahaayeen dirays kooban oo ay leeyihiin ciidanka Ilaalada Guddoomiyuhu oo hadyad ahaan loogu keenay.

Gaadhiga iyo istaafka saarnaa ayay ciidamadu ku soo xidheen Xarunta Kastamka ee Magaalada Hargeysa halkaasi oo ilaaladii Gaadhiga la socotay la sii daayay balse gaadhigii ay xukuumaddu la wareegtay.

Geesta kale Xukuumada Somaliland ayaa u yeedhay Ciidamadii ilaalada u ahaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Xaaladdan ayaa ku soo beegmaysa wakhti uu dalka ka maqan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

 

Category