Xukuumada Oo Hadashay Dab Qabsaday Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Hargeysa(RH)Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye Iyo laamaha Amaanka Somaliland ayaa ka hadlay  dab qabsaday  Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland, Waxaanu tilmaamay in dabkaasi la xakameeyey.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta  Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo)waxaa uu yidhi “waxaa dab ka dilaacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta,dabkaasi wax dhibaato ah oo nafeed kama dhalan, waxa markiiba u soo gurmaday Ciidanka Dabdamiska oo bakhtiiyey,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu

Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo waxa uu tilmaamay in aanay waxba  jirin war sheegayey in Idaacadda Radio Hargeysa iyo Wasaaradda Warfaafintu gubatay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in dabka ka kacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta loo xil-saaray baadhitaankeeda Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye.

 

Category