U jeedada Shir Hargeysa ku Dhexmarey Madaxdhaqmeedka Somaliland iyo Ka Oromada Ethiopia

Hargeysa(RH)Golaha Dhaqanka Oromada Itoobiya oo socdaal ku yimid dalka  iyo madaxdhaqameedka Somaliland ayaa shir ay ku yeesheen Huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, waxay soo saareen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay kaga hadleen xoojinta cilaaqaadka labada ummadood iyo sidii loo sii adkeyn lahaa xidhiidhka labada dal.

Warsaxafadeedkan oo uu ku saxeexnaayeen  madaxa Gole Dhaqameedka Oromada, Bayana Sanbato iyo Suldaan Aadan Faarax oo metalayey madax-dhaqameedka Somaliland, waxa  uu u qornaa sidan:-

“Golaha Dhaqanka ee Oromada ayaa 15kii bishan booqasho ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, oo ay kaga jawaabeen   martiqaad ay ka heleen madaxda dhaqanka Somaliland si loo unko xidhiidh wanaagsan oo ay yeeshaan dadka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

 Golaha Dhaqanka ee Oromadu waxay kulamo kala duwan la yeesheen  qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Golaha Guurtidda, madaxda dhaqanka iyo ururrada bulshada Somaliland, waxaanay ka wadahadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Nabadgelyada, ammaanka Mandaqada, Dhaqaalaha, isku gudubka Ganacsiga  iyo dhaqanka.

 Golaha Dhaqanka Oromada iyo Madax dhaqameedka Somaliland oo n shir ku yeeshay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxay falanqeyn kadib isla qaateen qoddobadan:

  1. 1 .Aasaaska isdhexgalka dhinaca  dhaqanka   iyo shirarku  waxay u wanaagsan tahay hagaajinta xidhiidhka  labada ummadood.
  2. 2. Labada dhinac waxay isku raaceen in dalalka Somaliland iyo Itoobiya ay jiraan waxyaabo ay ka siman yihiin oo u baahan inay si wadajir ah ula tacaalaan, sida   Saboolnimada, Tahriibinta dadka iyo nabadgelyo darrada gobolka.
  3. 3. Madaxda dhaqanka ee Somaliland iyo Itoobiya waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo isla markaana la fududeeyo xidhiidhka soo jireenka ah ee dhinaca Ganacsiga.
  4. 4. Waxa kaloo ay isku afgarteen in kor loo qaado xidhiidhkii jiray ee u dhexeeyey labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya.
  5. 5. Madaxda dhaqanka Somaliland waxay u soo jeediyeen Golaha Dhaqanka Oromada iyo dawladda Itoobiya inay ka shaqeeyaan sidii ay u soo afjari lahaayeen colaada u dhexaysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee gudaha Itoobiya.
  6. 6. Gole dhaqameedka Oromadu waxay ballanqaadeen in shirka kan xiga ee labada madax dhaqameed ay ku qaban doonan  Itoobiya.”

 

Category