Denmark: Macallin turkiya oo cusurinimo uga tagey shaqadiisii.

sort abe’ ( Daayeer madow ’: Mustafa oo la kulmay xadgudub xagga ardayda ah, ugu dambeyntiina shaqadii ayuu isaga tagay"

Kolding, 29 Abriil 2025
Qore: Martin Møller Geertsen jv. Tarjumaada Mohamed-Amiin

Mustafa Samanci, oo ahaa macallin ka shaqeynayay Brørupskolen, ayaa shaqadiisa ka tegay kaddib markii uu si joogto ah ula kulmay aflagaaddo iyo cadaadis ka yimid ardayda iyo waalidiintooda. Sida ay sheegeen wakiillada shaqaalaha iyo maamulka dugsiga, xidhiidhka waalidiinta iyo dugsiga ayaa marba marka kadambeesa sii xumaanayey, iyagoo sheegay in waalidiintu ku kacaan faragelin aan munaasab ahayn, cay iyo handadaad shaqaalaha.

Mustafa Samanci, oo 55 jir ah, asal ahaanna ka soo jeeda Turkiga balse ku noolaa Denmark muddo 46 sano ah, ayaa hore uga soo shaqeeyay la-taliye waxbarasho. Bishii Noofembar ayuu is-casilay kaddib dhowr jeer oo uu xanuunsaday, waxaana si rasmi ah shaqada looga fasaxay bishii Febraayo.

La kulmay cunsuriyad cad

Mustafa wuxuu la kulmay dhacdooyin badan oo cunsuriyad xambaarsan. Wuxuu xusay in casharkii ugu horreeyay ee uu bixiyay ee maadada bulshada, arday uu weydiiyay haddii uu taageersan yahay Rasmus Paludan, hoggaamiyaha xisbiga aadka uga soo horjeeda soo-galootiga ee Stram Kurs.

Sidoo kale, dhacdo kale oo uu la kulmay ayaa ahayd markii uu ku arkay arday cabsanaya oo khamri sitey, isla markaana uu la xiriiiray waalidka ardayga. Ardaygaas oo aan ku qanacsaneyn darajadiisa sanadlaha ah ayaa si cad ugu aflagaadeeyay Mustafa isagoo ugu yeeray "daanyeer madaw" iyadoo ay goob joog ahaayeen arday kale.

Mustafa wuxuu sheegay in dhaqanka noocan oo kale ah uu salka ku hayo sida waalidiinta u barbaarinayaan caruurtooda:

"Waa masuuliyad waalidiinta saaran. Haddii caruurta aan loo barin xeerarka bulshada, waxay noqoneysaa in la is yeelyeelayo. Laakiin raali kama noqonayo la i caayo," ayuu yidhi.

Waalidiin aan garawsanayn doorkooda

Dhibaatooyinkii kale ee uu la kulmay Mustafa waxaa kamid ahaa markii uu waydiiyey arday uu ku qabtay isagoo daawanaya filim casharka dhexdiisa inuu casharka la socdo, balse ardaygii uu ku jawaabay inuusan u baahnayn in wax loo sheego. Waalidka ardaygaasi ayaa markaas sheegay inuusan Mustafa wax amar ah siin karin wiilkooda.

Waalidiinta oo si toos ah u diiday shaqadiisa

Mustafa wuxuu sheegay in uu la kulmay waalidiin si cad u diiday joogitaankiisa markii uu buuxiyay booska macallin juquraafiga. Waalidiinta ayaa baraha bulshada ku faafiyay eedeymo isaga ka dhan ah, iyadoo wakiilka waalidiinta si toos ah ugu sheegay inuusan dugsiga kusii shaqayn karin.

"Markii aan arkay inaan si cad loo rabin, anigaaba iscasiley," ayuu Mustafa yidhi.

In kasta oo uu markii dambe loo wareejiyay qeyb kale oo dugsiga ka tirsan, haddana cadaadiska iyo jawiga xun ayaa keenay inuu gebi ahaanba shaqada ka tago. Hadda waxa uu ku meel gaar uga shaqeeyaa dugsi kale, balse wuxuu sheegay inuu ka fiirsanayo inuu xirfadda macallinnimada sii wato.

"Waan ka fikirayaa inaan waddo kale maro," ayuu yiri.

Category