Sawirro: Wafdi ka socda Itoobiya oo ka qeybgalay aaska madaxweynihii hore Somaliland

Hargeysa (RH)-Xabaalaha Baqiic ee magaalada Hargaysa, waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay allaaha u naxariistee madaxweynihii afaraad ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Sabtidii geeriyooday isagoo da'diisu ahayd 86 jir.

Aaska marxuumka waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Somaliland, siyaasiyiin, odayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa kale oo aaska ka qaybgalay masuuliyiin ka socda dowladda Itoobiya iyo dowlad deeganka Soomaalida, waxaana ka mid ahaa Aadan Faarax Ibraahim, Madaxwayne Kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo ee Dalka lehna Awood Raysal Wasaare kuxigeen iyo Madaxweynaha DDS Mustafe Muxummed Cumar .

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah golayaasha wasiiradda.

Wafdiga Itoobiya ee ka qeybgalaya aaska madaxweyne SiilaanyoWafdiga Itoobiya ee ka qeybgalaya aaska madaxweyne SiilaanyoWafdiga Itoobiya ee ka qeybgalaya aaska madaxweyne SiilaanyoWafdiga Itoobiya ee ka qeybgalaya aaska madaxweyne SiilaanyoWafdiga Itoobiya ee ka qeybgalaya aaska madaxweyne SiilaanyoAaska marxuum Siilaanyo oo ka dhacay xabaalaha BaqiicMadaxweynihii hore ee Somaliland Axmed siilaanyo oo Hargeysa lagu aasay

Radio Hormuud

Studio 3

Hargeysa-Somaliland

Category