Yemen: Kalluumaysato sabool ah oo heley cambarka nibiriga oo qiimihiisu gaaraya $1.5 milyan oo doolar

Waa sheeko ku saabsan sida nibiri kusoo caariyay badda uu wax weyn uga baddalay nolosha koox kalluumeysto ah oo ku nool mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka.

Kalluumeysatadan waxay ka howlgalaan xeebaha dalka Yemen waxay heleen cambar kadib markii ay arkeen nibiri dhintay oo dul sabbeynayo xeebaha dakaas.

Cambarkan ayaa qiimihiisa lagu qiyaasay $1.5 milyan oo doolar, waxay tallaabadan u horseeday inay ka baxaan noloshii faqriga aheyd ay ku jireen.

Kalluumeystadan waxay gaarayaan ilaa 35, waxay maanta ku faraxsan yihiin inay si deg deg ah ay dhaqaalahaa intaa la eg uga sameeyaan wax inta badan ay baadi goobaan oo si kadis ah ay ku heleen.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay, xitaa kama sheekeyn karo darenkeyga, Allahii cambarkan na siiyay Allaha ayaa mahadleh" ayay yiraahdeen kalluumeysatad.

Kooxdan waxaa cambarka kusoo wargeliyay nin kallumeysato ah oo ku sugnaa xeebaha Seriah, waxay markii ku ordeen nibiriga oo dul sabeynayo xeebaha Gacanka Cadan ee koonfurta Yemen.

"Haddii aad hesho cambarka waxaad heshay wax qiimo badan , waxaan ku oronay ina soo tusi" ayay yiraahdeen qaar kamid ah kalluumeystada oo la hadlayay BBC-da.

"Markii aan ku dhawaanay goobta, waxaan dareenay ur xooggan oo kasoo baxay meesha, waxaan ogaannay in nibiriga uu walax ku dhex jiro"

Kalluumeysatadan ayaa sheegay in si kadis ah ay uga macaasheen cambarka

Waana mid dahabi ah oo qiimahiisu aad u sarreeyo kaas oo ay adagtahay in la helo, kallumeysato badan ayaa ku raad joogaa cambarka nibiriga oo haddii ay helaan u horseedi karo in dhaqaale xooggan ay helaan.

"Markaa waxaan go'aansannay in aan dillaacino nibiriga, bannaanka ayaan u soo saarnay, waan jeexnay, waxaan ku aragnay cambar"

"Cambarka waxaa ur qurmoon balse waa lacag badan, markii aan aragnay cambarka aad ayaan ugu faraxnay, waana qiimo lacageed oo aanan la fileynin" ayuu yiri mid kamid ah kalluumeysatada.

Guud ahaan Yemen waxaa si ba'aan u saameeyay dagaallada sokeeye, Qaramada Midoobey waxay sheegtay in boqolkiiba 80 shacabka Yemen ay qarka u saaran yihiin macluul balse kalluumeysatada ayaa nasiib u helay wax noloshooda wax ka baddali karo.

"Dhammaanteen, waxaan nahay dad sabool ah, ma aanan fileynin in cambarkan aan ka heli karno lacag badan oo intaa la'eg" ayay yirahdeen kalluumeysatada.

Qaar kamid ah kalluumeysatada ayaa sheegay inay kala qeybsadeen dhaqaalihii ay ka heleen cambarka halka qaarkood ay sheegeen inay iibsadeen guryo.

"Waxaan iibsannay guryo, baabuur iyo doomo, dhawaan waan guursan rabnaa, waxaan lacago ugu deeqnay dadka tabaaleysan.

Muxuu yahay cambarka nibiriga?

  • Cambarka ayaa ah mid naadir ah oo qiimo leh kaas oo laga sameeya cadarka.
  • Daraasado waxay muujinayaan in laisku daaweyn jiray sida dawo ama cunto sare u qaada shahwada.
  • Waa xubin qoyan oo isku dhagan kaas oo laga helo mindhicirada nibiriga.
  • Waxaana loo adeegsadaa sameynta cadarada.
  • Dalal dhowr ah waxaa ka mamnuuc ah in laga ganacsado cambarka nibiriga halka kuwo kalena ay u arkaan khashin.

xigasho BBC

Category