Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Sharciyeynta Dhul-beereedka Gobolka Selel iyo Degmada Lughaya

Hargeysa(RH)Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa Hakisay sharciyeynta dhul-beereedka Gobolka Selel iyo degmada Lughaya ee gobolka Awdal sida lagu sheegay Wareegto Uu soo-saarey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed.

sq

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa Qoraalkiisan ku caddeeyey inay joojiyeen sharciyeynta dhul-beereedka Gobolka Selel iyo degmada Lughaya ee gobolka Awdal, kadib markii uu batay khilaafka dhinaca dhul beereedku.

Wasiirka Beeruhu wuxuu wareegtadiisa ku socod siiyey Guddoomiyeyaasha gobollada Awdal iyo Selel oo uu ku wargeliyey in laga bilaabo maanta uu joojiyey dhammaan sharciyeynta dhul-beereedka Selel iyo Lughaya, illaa amar dambe ka soo baxayo Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed wuxuu madaxda gobollada Awdal iyo Selel iyo masuuliyiinta laamaha ammaanka ee gobolladaas u soo jeediyey inay dhaqan geliyaan wareegtadaas uu ku joojiyey sharciyeynta dhul-beereedyada.

 

 

Category