Xukuumadda Somaliland Oo Gurmed Booyaddo Ah U Dirtay Goboladda Ay Abaartu Ka Jirto

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland Oo Booyaddo Deg-deg Ah U Dirtay Goboladda Somaliland ee Ay Abaartu Ka Jirto.

bb1

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta  ku wareejiyay Hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka booyado xukuumadda Somaliland ugu talo-gashay in loogu gurmado Bulshada ku dhaqan goboladda ay abaartu ka jirto.

bb1

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa sheegay in biyo yaraan baahsani ay soo food saartay meelo ka mida goboladda bariga Somaliland, waxaanu amar ku biyay in dhakhso biyo loola gaadho dadkaasi ay abaartu saamaysay.

bb3

 

bbbvd

 

Category