Xukuumada JSl Oo Cadaysay in Xuska 18 May La Qabanayo Maalinteedii

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed  ahna guddoomiyaha guddida qaban qaabada  28 Guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland oo warbaahinta xafiiskiisa kula hadlay ayaa sheegay in xuska dabaal dega maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May la qaban doono Maalintii ay ku taariikhaysneyd ee 18 bisha Shanaad.

Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu ugu baaqay Shacabka Somaliland in si weyn ay ugu diyaargaroobaan Xuska maalintaaasi ,isagoo geesta kale ku booriyay shacabka in ilaalinta aminga guud ee dalka ay kala qeyb qaataan Ciidammada ammaanka.

Wasiir Maxamed Kaahin  waxa kaloo  uu u soo jeediyey Maayirrada Magaalooyinka dalka in ay kor u qaadaan bilicda iyo nadaafada Magaalooyinka.Wasiirka Arrimaha Guduhu  waxa uu ugu baaqay warbaahinta dalka in wararka la xidhiidha munaaasibada Maalinta Qaran ee 18-ka May in ay gaadhsiiyaan daafaha Caalamka.

 

Category