Xog ku saabsan magacaabistii Rooboow iyo weerarradii ugu dambeeyay

W/Q: Mary Harper, Tifaftiraha BBC-da ee Afrika

Magacaabis aad u adag, dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa golaha wasiirrada ku soo dartay nin horay uga tirsanaan jiray Al-Shabaab, oo mar dagaal kala soo horjeeday, balse weerarkii hoteelka ee dhimashada badan dhaliyay toddobaadkii hore ayaa ah xusuusiyaha shaqada adag ee hor taalla kuwa talada haya.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu xafiiska la wareegay bishii May waxa uu ku dhawaaqay in mudnaanta koowaad uu siinayo sidii loo soo afjari lahaa Al-Shabaab oo 15-kii sano ee la soo dhaafay dowladda dagaal kula jiray.

Saddex bil kaddib Al-Shabaab ayaa qaadday mid ka mid ah weerarradii ugu yaabka badnaa ee abid ay geystaan, iyagoo gudaha u galay hoteel masaafo dhow oo gaari u jira xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Waxay haysteen 30 saacadood. Saraakiisha ayaa sheegay in in ka badan 20 qof ay ku dhinteen go’doominta Xayaat, 117 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wax ka yar hal bil ka hor, kooxda ayaa duullaan aan horay loo arag ku qaadday dalka ay jaarka yihiin Soomaaliya  ee Itoobiya.

Dublamaasiyiinta caalamiga ah ayaa ku tilmaamay weerarkan in uu ahaa “mid wax badan beddelaya”. In la qorsheeyo waxay qaadatay ugu yaraan 18 bil, waxaana ku lug lahaa ka qayb qaadashadiisa qiyaastii 1,200 oo dagaalyahan.

Taliyihii ciidamada Mareykanka ee Afrika ee xilligaas, General Stephen Townsend, ayaa sheegay in mintidiinta ay gudaha u galeen Itoobiya 150 km.

Mid ka mid ah sababaha ay kooxda ugu suurtagashay in ay qaaddo weerarkan ayaa ahaa kororka colaadda Itoobiya ka dib sannado badan oo xasillooni iyo kobac guud uu ka jiray.

Wax yar kaddib markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay waqooyiga gobolka Tigray Nofeember sanadkii 2020, qof xubin ka ah Al-Shabaab ayaa i soo wacay.

“Gacmaha ayaa isku keen dul saaran, waxaana ku raaxeysanaynaa in aan daawashada Itoobiya oo iyada is burburineysa," ayuu yiri isagoo isu bogaya, wuxuuna intaa ku daray: "Waxaa ugu dambeyn soo dhowaaday waqtigii aan weerari lahayn cadowgeenna koowaad."

Itoobiya waa mid ka mid ah dalalka gobolka ee ciidamadoodu ay taageerayaan dowladda federaalka ah Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo sheegay in dowladiisu soo afjarayso Shabaab
XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Waa markii labaad ee Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka qabto. Mar aan wareystay wax yar un kaddib markii uu xukunka qabtay sanadkii 2012, waxa uu sheegay in uu maleeshiyaadka uga adkaan doono labo sano gudahood.

Toban sano kaddib wali way sii xoogeysanayaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Hiraal ee fadhigeedu uu yahay Muqdisho, Maxamed Mubaarak, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka awood iyo waaya-aragnimo badan yihiin sidii ay ahaayeen sanadkii 2012.

Al-Shabaab ayaa maamul ka dhinac sameysay dowladda, waxayna gacanta ku haysaa dhul ballaaran.

Waxay canshuur ka qaaddaa dadka ku nool aagga ay maamusho iyo meelo ka baxsanba. Xitaa dadka ku nool Muqdisho waxay door bidaan adeegsiga nidaamkooda caddaaladda oo ay u arkaan in uu ka tayo badan yahay, kana musuqmaasuq yar yahay maxkamadaha rasmiga ah.

Kooxda ayaa sii wadda weerarkeeda, iyadoo madaafiic ku garaacda baarlamaanka, waxayna gudaha u gashay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee aadka loo ilaaliyo oo ay deggan yihiin safaarado, Qaramada Midoobay iyo ciidamada shisheeye.

La-yaab ma laha in Al-Shabaab lagu tilmaamo kuwa ugu guulaha badan Al-Qaacidda. 

Madaxweyne Xasan ayaa qiray in aan Al-Shabaab looga adkaan karin awood ciidan oo keliya.

Labadii Agoosto, dowladdu waxay qaadatay khamaar geesinnimo leh oo ay ku keenayso mid ka mid ah cadowgeedii hore, taasoo qayb ka ah istaraatiijiyad cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Waxaan xilligaas joogay Muqdisho, saaxiibbo ayaan gaari la saarnaa oo aan meel jidgooyo ah kula xannibnaa.

Hal mar xitaa qofna dhib uma uusan arkeyn in nagula amro in aan ka degno gaariga oo jirkeenna, gaariga iyo boorsooyinkeenna la baaro.

Intii aan ku sugneynay meel yar oo hoos ah oo aan heli karnay, waxaan ku talaxtagnay oo indhaheennu ay ku dheygagsanaayeen telefoonnada gacanta, maaddaama aan daawaneynay afhayeenka raysul-wasaaraha oo ku dhawaaqaya magacyada wasiirrada cusub.

Magaca aan sugeynay wuxuu ahaa aasaasaha Al-Shabaab ee tababarka ku soo qaatay Afgaanistaan. Waxaa rumoobay warkii la isla dhex marayay.

Mukhtaar Roobow inta aan wasiirka loo magacaabin xabsi guri ayuu ku jiray.

Hoggaamiye ku-xigeenkii hore iyo afhayeenkii Al-Shabaab Mukhtaar Roobow ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha diinta.

Iyadoo dadka qaar ay aad uga argagaxeen tallaabadaas, ayaa haddana dad badan oo Soomaali ah ay si farxad leh ugu soo dhaweeyeen soo gelitaanka dowladda ee nin horay ugu jiray liiska argagixisada loogu doondoonista badan yahay ee Mareykanka, madaxiisana ay saarneyd abaalmarin shan milyan oo doolar.

Waxaa ka mid ah dadka soo dhaweeyay Xildhibaan iyo wariyihii hore ee BBC Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ay ka muuqdaan nabarradii ka soo gaaray shan weerar oo Al-Shabaab ay gaysatay. Is-qarxin lala beegsaday horraantii sanadkan ayay naftiisu halis weyn ku gashay.

“Waan soo dhaweynayaa magacaabista Roobow,” ayuu yiri Mudane Maxamed.

“Maadaama uu horay u ahaa hoggaamiye jihaadi ah wax badan ayuu ku soo kordhin doonaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wuxuu la shaqeyn karaa culimada si ay uga hortagaan fikirka xagjirka ah, wuxuuna ka dhaadhicin kara maleeshiyaadka in waxa ay aaminsan yihiin aysan waafaqsaneyn waddada saxda ah ee Islaamka.”

Roobow ayay sanadkii 2013 isku dhaceen Al-Shabaab. Fagaare ayuu ka cambaareeyay kooxda, wuxuuna xitaa dhiig ugu deeqay dadkii ku waxyeelloobay qaraxii weynaa ee ka dhacay Muqdisho bishii Oktoobar 2017 oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​600 oo qof.

Waxa la xiray bishii Diseembar 2018, waxaana lagu hayay xabsi-guri ilaa laga dhigay wasiir dowladeed. Wuxuu sheegay in taleefoonka laga soo wacay intii uu xabsiga ku jiray, loona sheegay xilka loo magacaabayo.

Mubaarak oo ah khabiir amniga ka faallooda, ayaa magacaabista Roobow ku tilmaamay "fikrad cajiib ah marka laga eegayo dhinaca ka hortagga argagixisada".

“Waa aalad awood badan, gaar ahaan dhanka fikirka, wuxuuna dib-u-dhac xooggan ku keeni karaa Al-Shabaab. Maaddaama uu ahaa xubin ka mid ah aasaaseyaasha kooxda dhinac kasta ayuu ka yaqaannaa, wuu garanayaa sida ay u fekerayaan iyo sida ay u dhaqmaan,” ayuu yiri.

Kuwo kale ayaa si argagax leh uga falceliyay magacaabista Roobow, waxayna u arkaan inay tahay calaamad kale oo muujinaysa isla xisaabtan-la’aanta lagu suntay Soomaaliya oo in ka badan soddon sano ku soo jirtay colaado.

Baraha bulshada ayaa lagu dhaleeceeyay. Qaar badan oo ka mid ah hadallada Twitter-ka waxay ahaayeen kuwo muujinayay in ay ka xunyihiin:

"Haddii Soomaaliya ay ka shaqayn lahayd danta bulshada, Rooboow waxaa lagu daldali lahaa meel fagaare ah.”

 “Magacaabista ninkan dilaaga ah waxay ka dhigan tahay hal shay oo ah Al-shabaab waxay si rasmi ah gudaha ugu galeen dowladda Soomaaliya.”

Khariidad
Al-Shabaab ayaa aaminsan in go’aanka uu hoggaamiye ku xigeenkoodii hore ku aqbalay xilka dowladda uu yahay dambi aad u fool xun, oo mudan ciqaabta ugu adag.

Cod 10 daqiiqo ah oo laga soo duubay Afhayeenka Kooxda, Cali Dheere, ayaa laga maqlay isagoo dhaya “Roobow waa Murtad, Dhiigiisa oo la daadiyaa way bannaan tahay”.

Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aaminsan in magacaabistiisa iyo howlgallada militeri ee la cusbooneysiiyay ay wiiqi doonaan Al-Shabaab, kaddibna ay Khasab ku aqbali doonaan in ay wada hadal galaan.

“Wax walba waxay ku xiranyihiin rabitaan siyaasadeed,” ayuu yiri Mubarak.

“Burburka Al-Shabaab waxa uu imaan karaa oo kaliya haddii Midowga Afrika, ciidamada kale ee ajnabiga ah, ciidamada federaalka, kuwa maamul goboleedyada, iyo maleeshiyaadka deegaanka ay is kaashadaan, markaas uun ayay wadahadli doonaan oo ay tanaasul sameyn doonaan.”

Roobow, oo ah ninka horay mintidka u ahaan jiray ee wasiirka isku baddalay, ayaa hadda ka hadlaya nabadda iyo is cafinta. Waxa uu sheegay in Culimada uu kala shaqeyn doono sidii dadka looga dhaadhicin lahaa in Al-Shabaab ay isaga baxaan, isaga oo ku qancinaya waxa ay sameynayaan in ay yihiin waxyaabo ka baxsan Diinta Islaamka.

Laakin ma cadda in khamaarka dowladda uu miro dhali doono, ama uu si fudud u xoojin doono awoodda Al-shabaab oo ay noqdaan kuwo uu dagaalkooda ka sii waynaado sidii hore.

Dhacdooyinkii ugu dmabeeyay waxa ay muujinayaan in arruntu ay ku socoto waddada qodobka labaad.

Xiggasho: BBC

Category