Xisbiga  WADDANI Oo Ka Hadley Shir Shalay Dhexmarey Madaxweynaha  iyo xisbiyadda qaranka

Hargeysa(RH)Xisbiga  Mucaaridka ah ee WADDANI Ayaa Maanta ka Hadley Shir maalintii shalay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku dhexmarey Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyadda qaranka kaasi oo ujeedadiisu ahayd sii amba- qaadka heshiishkii saddexda xisbi qaran hore u dhexmarey

Sidaasina waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga  Mucaaridka ah ee WADDANI Oo u dhignaa sidan:-

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan waxa uu ka qeyb galay kullan ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland shalay oo ay taariikhdu aheyd 26-kii/08/2019. Kullankaas oo dhex maray Madaxweynaha iyo xisbiyadda qaranka JSL, fadhiga ayaa ahaa mid lagaga wada hadlayey sii amba- qaadka heshiishkii saddexda xisbi qaran hore ugu galeen Madaxtooyadda Somaliland 27-

Ugu horreynba Madaxweynuhu waxa uu qiray in uu ixtiraamayo heshiishkii dhex maray saddexda xisbi qaran, halka Xisbiyada Mucaaradka ahina ay madasha si weyn uga muujiyeen dareenkooda ay ka qabaan in si khaldan oo baal-marsan sharciyadda dalka la isu hor-taagay heshiishkii saddexda xisbi qaran galeen, kaas oo mucdiisa u weyni aheyd in xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka oo hore u ahaa 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood.

Labada Xisbi Mucaarad waxa ay Madaxweynaha si waayeelnimo ah ugu soo jeediyeen in heshiishkii xisbiyada uu Madaxweynuhu meel mariyo maadama oo mas'uuliyadda doorashooyinka dalku isaga guudkiisa saaran tahay.

Sida oo kale Madaxweynuhu waxa uu dhankiisa garwaaqsaday dareenka xisbiyada qaranka isaga oo ballan qaaday in uu qoraal ku soo gudbin doono mawqifkiisa ku wajahan arintaas ay hogaamiyayaasha labada xisbi kala hadleen isaga oo tilmaamay in uu tix-gelin weyn siinayo soo jeedinta xisbiyadda mucaaradka ah.

Xisbiga WADDANI waxa uu cadeynayna in aanu jirin wax heshiis kale ah oo la isla gaadhay haba yaraate, Waxa ay xisbiyadu wali ka sugayan Madaxweynaha qoraalkii uu u ballan-qaaday in uu soo diri doono dhawaan.

Dhanka kale labada xisbi ee UCID iyo WADDANI waxa ay Madaxweynaha si weyn ugala hadleen xallinta mushkiladaha ka taagan gobollada bariga dalka iyada oo loo marayo dariiq wada-hadal iyo marin nabadgelyo sidii Somaliland dhaqanka u lahaan jirtay kuna soo caano maashay, Madaxeynuhuna waxa uu ka muujiyey dareen wanaagsan in sida ugu haboon uutix-gelin u siin doono meel marinta qodobada laga wada hadlay.

Ugu dambeyntii, Xisbiga WADDANI waa mid mar walba diyaar u ah doorasho wakhtigeedi lagu qabto oo dalka ka dhacda, sida oo kale-na waxa uu xisbigu cod- dheer ku sheegayaa in wax kasta oo caqabad ku ah doorashooyinka dalka in wada-hadal iyo is afgarad lagu dhammeeyo.

ALLAA MAHAD LEH

____________

Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun.

Afhayeenka Guud ee Xisbiga WADDANI.

 

Category