Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Jsl Oo Xadhiga Ka Jarey Wejigii 1aad Ee Jidka Baligubadle iyo Hargeysa

Baligubadle(RH):-Wasiirka  Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Oo Ay Weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed  , agaasimeyaal, maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland  , cuqaal, odayaal iyo guddida wadada isku xidha Hargeysa iyo baligubadle  ayaa gaadhey magaaladda Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Waftigan ayaa xadhiga ka jaray wejigii kowaad ee wadadaas isku xidhaysa magaalooyinka Baligubadle iyo Hargeysa oo guud ahaan uu  dhamaaday Cara-Tuulkii wadadaasi .

Munaasibad loo sameeyey xadhig ka jarka wadadan  ayaa waxa ka hadlay sheekh Axmed Naasir Iid iyo xildhibaan  Axmed Maxamed Diiriye (Nac Nac) oo ku hadlaayey afka guddida, waxaanay ka warbixiyeen dedaaladii wadadan lasoo geliyey iyo marxaladihii ay soo martay.

Waxa sidoo kale ka hadlay badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) iyo badhasaabka gobolka Hawd Axmed Cige Maxamed, waxaanay uga mahadceliyeen cid kasta oo gacan ka geysatay dhismaha wadada isku xidhaysa magaaladda Hargeysa iyo magaaladda Baligubadle.

Waxa isna goobta ka hadlay maareeyaha Hay’adda horumarinta wadooyinka waxaanu tilmaamay in Hay’addoodu ay waqti badan gelisay labadii Ramadan ee ugu dambeeyey dhismaha wadadan, waqtigana ay diyaar u yihiin dhamaystirka jidkan in ay ka qayb qaataan.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in ay dedaal ugu jiraan sidii dalku waddooyin dhamaystiran u heli lahaa,

Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa goobtaas uga duceeyey cid kasta oo gacan ka geysatay dhismaha wadadan, waxaanu tilmaamay in wadadani ay wax badan fududayn doonto.

 

Category