Wararkii ugu dambeeyay iska horimaadka ka dhacay magaalada Laasacaanood

Laasacaanood (RH)—Iska horimaadyo hubaysan ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga degaanka.

Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha ku shirayey magaalada Laascaanood.

Sidoo kale mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar lagu soo qaaday magaalada Laascaanood.

Mas'uuliyiinta isbitaalka Laascaanood ayaa u sheegay VOA inay iska horimaadkan ku dhinteen 13 qof ilaa haatan, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa ala sheegayaa inay jiraan dhaawacyo.

Iska horimaadyadan ayaa yimid iyadoo maalmahan uu magaalada Laascanood kulan uga socday odayaasha dhaqanka degaanka kuwaasi oo ugu baaqay ciidamada Somaliland inay ka baxaan degaankooda, sida ay hadalka u dhgaan. Madaxwyenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu horey u sheegay inaan ciidamada laga saarayn gobolka.

Odayaasha ayaa manata soo saaray go’aammo ay ka mid ahaayeen in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo, sida lagu sheegay qoraalkaasi.

Xigasho: VOA

Category