Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo gudaha u galay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Muqdisho (RH)-Maanta barqadii ayaa rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay gudaha u galeen mid ka mid ah albaabada lagu galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay ka soo galeen iridda la yiraahdo Mariino Geed.

Ragga weerarka soo qaaday oo tiradooda lagu sheegay in ay ahaayeen labo nin oo hubeysan ayna siteen dharka ciidamada ammaanka.

Ragga weerarka qaaday ayaa durba ay u suuragashay in ay gudaha u galaan garoonka, laakin ma aysan tegin halka ay ka duulaan diyaaradaha iyo garoonka gudihiisa.

Ilo xog-ogaal ayaa sheegay in ragga hubeysan ay toogteen askar ka tirsan kuwa AMISOM, laakin ma cadda tirada ku dhimatay ama ku dhaawacan tay weerarkaas.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintey weerarkaas, oo ay ku jiraan shan ajaaniib ah.

Dad kale oo goob-joog ayaa sheegay in markii weerarka uu socday uu hakad ku yimid howlihii garoonka, in kastoo markii dambe dowladda sheegtay in howlaha garoonka ay caadi ku soo noqdeen.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa markii la toogtay, waxaana la soo gabagabeeyay howlihii ka socday garoonka.

Garoonka diyaaradaha ayaa hooy u ah safaaradaha reer galbeedka ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category