Waxaa soo baxay war cusub oo ku saabsan dilkii naxdinta lahaa ee gabadha 21-jirka ahayd ee Soomaaliyeed, kaas oo dhacay bishii Abriil ee sannadkii hore magaalada Herning. Booliska Midt- og Vestjyllands ayaa xaqiijiyay in hadda la dhameystirey eedeymo rasmi ah saddex qof oo lagu eedeeyay dilkaas.
Eedeymuhu waa laba nin oo da'doodu tahay 20 iyo 25 jir, iyo wiil 17 jir ah. Boolisku waxay rumeysan yihiin in labada nin ee waaweyn ay ku kiciyeen ama ku qasbeen wiilka 17-jirka ah (oo xilligaas 16 jir ahaa) inuu fuliyo dilka.
Sida ku qoran warqadda eedeynta:
-
Dilku wuxuu dhacay 7-da Abriil 2025, waddo lagu magacaabo Gormsvej oo ku taal Herning.
-
Gabadha waxaa lagu dilay mindi ama shay af'leh, iyadoo laga galliyey dhinaca bidix ee dhabarka.
-
Ninkii dilka fuliyay ayaa xidhnaa maaskar (mouth mask) markii uu goobta ka baxsanayey.
Kiiskan waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda Herning xilliga dayrta (Autumn), waxaana loo qorsheeyay in lagu xukumo habka "Nævningesag" (maxkamad xubno shacab ah leh), taas oo dhacda marka ciqaabta la raadinayo ay tahay 6 sano iyo wax ka badan.