War-Deg-Deg Ah :-Madaxweynaha Somaliland Oo isku-Shaandhayn ku Sameeyey Xukuumadiisa

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

 

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid iyo Isku-beddel

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

 

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

1)      In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

Tir

Magaca

Xilka

1-Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

2-Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

3-Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

 

  In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas'uuliyiintan u beddelo xilalkan:

 

Tir Magaca Xilka

1-Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

2-Sacad Cali Shire - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado - Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

3-Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame  (Dhaga-weyne) - Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado - Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

4-Maxamed Daahir Axmed Furreh - Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado - Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

5-Axmed Abokor Maxamed Yuusuf - Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

6-Yuusuf Maxamed Cabdi Raage - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

7-Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax - Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

 

 

 

 

 

 

 

 

Category