Wadooyinka Muqdisho oo inta badan xiran askarna la dhigay

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta xiran inta badan wadooyinka, waxaana dadweynuhu ay yihiin kuwa lugeenya.

Wadooyinka ayaa sidoo kale lagu daadiyay ciidamo fara badan iyo gaadidka dagaalka kuwasoo sugaya ammaanka caasimadda.

Wadooyinka mashquulka ahaan jiray ayaa maanta aysan jirin wax dad ah oo socta, waxaana xiran in badan goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa kuu sheeganaya in ay dhibaato ku qaban wadooyinka xiran, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada ay ka dhacaan bannaanbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

Wadooyinka Muqdisho oo xiran

Dadka magaalada ayaa ka cabsi qaba in magaalada ay ka dhacaan iska hor imaadyo.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah musharixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa saxaafadda maxalliga u sheegay in guryaha ay dagan yihiin lagu daadiyay ciidamo fara badan.

Midowga musharixiinta ayaa cambaareeyay tallaabada dowladda ay ciidamada u dhigtay xaafadaha qaar ee magaalada gaar ahaan goobaha ay dagan yihiin musharixiinta.

Magaalada Muqdisho waxaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka jirtay xaalad jahwareer ah, waxaana horrey magaalada uga dhacay dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo oo dad ay ku dhaawacmeyn.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category