Waa kuma madaxweyne lagu eedeeyay in uu xaaskiisa dili jiray oo dacwad lagu soo oogayo

Madrid (RH)-Dacwad oogayaasha dalka Argentina ayaa baaritaan ku bilaabay madaxweynihii hore ee dalkaasi Alberto Fernández, kaasoo lagu eedeeyay inuu dhaawac halis ah u geystay xaaskiisii hore.

Toddobaadkii hore, ayaa marwadii hore ee madaxweynaha Fabiola Yáñez, oo 43 jir ah, waxay maxkamad u gudbisay dacwo ninkedii hore oo horay u soo maamulay dalka, da’diisuna haatan tahay 65-sano, iyada oo ku eedeysay inuu garaacay intii uu socday xiriirkoodii hore, iyaga oo wada joogay ilaa iyo intii uu ka tagayay shaqada xafiiska ugu sarreeya dalkaas sanadkii 2023 kii.

Marqaati ka timid Spain, ayay ku sheegtay sida lagu eedeeyay in ay la kulantay hanjabaado nafsi ah iyo xadgudub jireed,

War ay dhiibtay iyada oo ku sugneed Spain ayaa waxay uga warrantay iyadoo qeexaysa sidii ay maskax ahaan ulaa silicday hanjabaadihiisa, jirdilkii uu ka sameyn jiray, waxayna ku eedeysay Fernández inuu ku qasbay inay iska soo xaaqdo ilmo caloosheeda galay.

Xayeysiin

Dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ayaa iska diiday Fernández. Waxa laga mamnuucay in uu dalka ka dhoofo inta baadhistu socoto.

Arbacadii la soo dhaafay ayaa dacwad ooge lagu magacaabo Ramiro González waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay maxkamadda kiiska, isaga oo codsaday in dacwad lagu soo oogo madaxweynihii hore.

Baaritaanka ayaa yimid ka dib markii sawiro u muuqday kuwa muujinaya haaro iyo nabaro wajiga iyo indhaha ug ayaalla haweeneyda lagu magacaabo Yáñez ay faafiyeen oo ay daabaceen warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas, taas oo caro ka dhalisay gudaha Argentina.

Maxay ku dambayn doonaan wadahadallada ay Soomaaliya sheegtay in ay fashilka ku dhamaadeen ee Ankara?

Mr Fernández ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay isaga oo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

Qeybo ka mid ah wareysi la daabacay horaantii isbuucaan, ayaa waxa uu ku andacooday in xaaskiisii hore Yáñez ay indhaheeda waxa ka muuqda ay yihiin waxyaabo ay sababeen "walxaha la isku qurxiyo".

Sida uu dhigayo sharciga Argentine, garsoore ayaa gaari doona go'aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan in wax dacwad ah la keeni doono maxkamadda iyo in kale.

ernández ayaa markii ugu horeysay ku soo biiray siyaasada horaantii 1980-meeyadii, xiligaasi oo ay aheyd maalmihii ugu dambeeyay ee kalitaliskii militariga ee dalkaas ka arrimin jiray.

Wuxuu soo noqday madaxweynaha dalkaas intii u dhaxeysay 2019-23.

Horay sanadkii 2022 kii waxa uu u galay kiis intii lagu guda jiray safmarkii Covid 19, kadib markii isaga iyo xaaskiisa ay ka soo muuqdeen sawiro iyaga oo jooga xafladda intii lagu guda jiray xilligiii bandowga.

Sawirada markii ay baaheen wixii ka dambeeyay ayaa waxaa lagu bilaabay baaritaan. Xafladda ayaa ahayd mid dhalasho taas oo ay soo xaadireen ilaa iyo darsin dad ah.

Xilligaas ayaa waxa mamnuuc ah in ay dad badani isugu yimaadaan hal goob, sida duugta iyo wixii lamid ah.

Sawirada ayaa xilligaas waxay dhaliyeen caro.

Xilligaas ayaa garsoore max kamadeed waxa uu ka aqbalay dalab ka yimid dhanka madaxweynaha iyo marwadiisii koowaad, Fabiola Yáñez, kaas oo ahaa in ay ku deeqaan saddex milyan oo pesos oo dhiganta ($ 25,000) doollarka Maraykanka ah, si loo joojiyo kiis iyaga ka dhanka ahaa.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay caddeeyeen in lacagta lagu deeqay ay noqoto mid u dhiganta mashiinka neefsashada iyo qidmadda ku baxda joogitaanka qaybta daryeelka degdegga ah ee isbitaalka.

Lacagtaas ayaa ahayd mid la siinayay machadka cilmi-baarista tallaalka ee dalkaas.

Xigasho: BBC

Category