Taliyaha nabad sugidda oo war kasoo saaray sharciga lagu ansixiyey NISA

Muqdisho (RH)-Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay'adda Sirdoonka iyo nabad sigidda Qaranka ee "NISA".

Boqol afar iyo afar xildhibaan, ayaa oggolaaday, saddex xubnood, ayaa ka aamustay, halka hal xildhibaane uu diiday.

Sida ay qortay warbaahinta dowladda, codeyntan kadib, ayey sidan ansax ugu noqotay hey’addan.

Sharcigan ayaa horyaalley golaha baarlamaanka maalmihii la soo dhaafay, iyadoo ay xubnaha golaha ay ka doodeen.

Dhanka kale, taliyaha Hay’adda Nabad sugidda, iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, ayaa war uu soo saarey uga mahad celiey Golaha shacabka meel marinta hindise sharciyeedka hey'adda.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ansixinta sharcigani uu muhiim u yahay amniga qaranka, la dagaalanka Alshabaab, iyo in laga ilaaliyo in magaca hey’addani lagu sameeyo takri fal.

Xigasho: BBC

Category